Madaxweynaha Puntland Oo Maanta U Ambabaxay Imaaraadka Carabta, Sheegayna Inaanay waxba iska beddeli doonin heshiiska DP

Madaxweynaha   Puntland, Siciid Cabdullaahi Maxamed oo maanta u dhoofay dalka Imaaraadka Carabta, ayaa markii u horraysay si cad u xaqiijiyay in xukuumaddiisu aysan waxba ka beddeli doonin heshiiska DP world ee dhismaha dekedda magaalada Boosaaso.

Madaxweynaha oo maanta  ka warbixinayay safarkiisa ka hor inta uusan u dhoofin waddanka Imaaraadka, ayaa sheegay in kadib dilkii Paul Anthony Formosa oo ahaa madaxii shirkadda P&O ee hoostagta DP Wolrd u joogay magaalada Boosaaso, ay arrima nabad-gelyo soo kala dhex-galeen Puntland iyo shirkadda DP World, islamarkaana ay safarkiisa qeyb ka tahay sidii looga gudbi lahaa caqabadahaasi, loona sii wadi lahaa mashruuca ballaarinta iyo dhismaha dekedda Boosaaso ee ay gacanta ku hayso shirkadda.

 

Deni sheegay in loo baahanyahay in mashruuca dhismaha iyo ballaarinta dekedda Boosaaso ee DP World, uu hora u socdo oo laga gudbo caqabadaha hor-taagan in mashruucan uu sidii la rabay u fulo, waxaana hadalkiisu gebi ahaanba meesha ka saaray warar soo baxay oo ku saabsanaa in xukuumadda cusub ay dib u-eegis ku samayn doonto heshiiska dekedda Boosaaso ee DP World.

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker