Sidee u soo caanbaxaa?

Nin baa ku kaadshay ceelka Zamzam si uu caan u noqdo!.

Aad ha ula yaabin; waayo dad badan baa qaba xanuunka “ha lagaa sheego” iyo “hadalkaaga hala wadwado” iyaga oo aan eegin ama ka fakarin waxa lugu baranayo ee ay ku caanbaxayaan ama hadalada laga warinayo nooca ay yihiin, miraha ay ka guranayaan adduun iyo aakhiro.

Haddii aad la yaabteen ninka soo caanbixida ka raadiyey inuu ku kaadsho ceelkii Zamzam ee Bayt-ka Ilaahay ee xurmada leh ku dhexyaaley, muslimiinta oo dhana ka cabbayeen waxaa sharci ahaan ka yaab badan  ninka magaca iyo caanimada ka raadiyey inuu caayo ama been-abuur ka sameeyo muslimiinta waliba hormuudkooda; waayo nabigeena صلى الله عليه وسلم wuxuu Kacbada ka yiri: “Xurmo badnidaa, waxaase kaa xurmo badan mu’minka”.

Dadka jecel inay ku soo caanbaxaan wax ka sheega muslimiinta siiba dadka hormuudka ah sida culimada, ducaada, madaxda dhaqanka ama madaxda siyaasada ama hay’adaha ummadda wax u qabta iwm soo Ceelka Zamzam kuma kaadsheen hadday u suurtoobi karto?.

Marka aynu ka hadlayno mawduucaan waxyaabaha xusida mudan waxaa ka mid ah in dad badan xirfadaan ku caanbaxay ay yihiin dad diinta wax ka bartay ama leh aqoon kale oo maaddi ah.

La yaabku waa yaraan lahaa haddii dadkaasi yihiin reer miyi jaahiliin ah ama mooryaan burcadnimo iyo khayrdaro ku caanbaxay.

Nin masjidka jamaacada ku tukada, sooma, sadaqo bixiya, Qur’aankii Ilaahay bartay, xalaasha iyo xaaraanta kala yaqaan inuu ajarkii uu shaqaystay oo uu aakhiro ku badbaadi lahaa u qaybiyo dad aan abaal ugu hayn ama dambigooda inta la soo qaado isaga dusha loo saaro, ninkaas soo ma muuqato inuu wado halaag ku taagan yahay?.

Waxaa kale oo aan la garaysan karin in dhallinyaradii muslimiinta ahaa ee diinta la soo baray ay ku daydaan dad diinta islaamka ka baxay ama farriimo iyo dhaqamo qalaad faafinaya oo ay ku dayashadooda u qaataan horumar iyo ilbaxnimo.

Gabagabadii dadka caanimada ka raadinaya cayda muslimiinta waa kala nooc. Kulligood marinhabowga iyo halaaga ay ku jiraan waa ina dhibayaa laakiin waxaa xanuun dheeraad ah inagu haya marinhabowga ku dhacay qaar ka mid ah dhallinyaradii laga sugayey inay mustaqbalka la wareegaan xilka diinta iyo ummadda ee iyaguna ha isdaba qabteen, ehelkooda iyo intii wax soo bartayna ha ha u naseexeeyeen.

 

 

Sh. Axmed Cabdisamad

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker