Baaq Furan: Ciidanka Qaranka. W/Q Maxamed Baashe Xaaji Xasan

Waxa aad tihiin ‘gogol’ nabadeed oo lagu seexdo iyo ‘geed’ hadhac ah oo la hadhsado.

Waxa aad tihiin ‘dugsi’ laga galo oo celiya gabaddanada iyo dhaxanta qallafsan ee dayra-dhaafka jiilaal..

Waxa tihiin ‘dallad’ laga hoos galo marka ay fallaadhaha cadceeddu dubka aadmiga ku ganmaan ee ay gubayaan ama laga qaato marka ay dhibicda roobka miiraalaha ahi mahiigaan circaddaa ah isu beddesho, si loo adeegto.

Ciidankii Qarankaygow, waxa aad tihiin ‘deyr’ aqalka ka celiya daadka iyo intii bahal hoose iyo mid sare leh ee bog ama baabbaco ku socota ee gudda habeenkii ama gadiidkii dheellimaad dhaqaaqda.

Waxa aad tihiin ‘xeer’ aqalka haddii ay dabaylo ruxaan isu haya, kana jira ruqanka iyo burburka.

Ciidankayagiiyow, waxa aad huwan tihiin hu’gii iyo magacii Qaranka, dawladnimadeenna.

Astaantiinnu waa Qaran ee ma aha qolo qolo. Waa midnimo ee ma aha keli keli iyo koox koox.

Yoolalka iyo hadafyadiinnu ma aha muxaafnimo iyo mucaaridnimo. Waa ummadnimo iyo ilaalinta Qaran ee aad direyska u sidataan, qorigana ugu jeeniqaaran tihiin baxdo iyo dhacdo.

Waxa shacabkiinnu idiin hayaa milge, maamuus, sharaf iyo hanweyni ay ku dhaataan.

Waa run taasi u qaawan sida cir aan caad lahayn. Waa kalsooni ay dadkiinnu idiin hayaan.

Wax aad cidla’ ka hesheen ma aha taasi ee waa kalgacal aad bulshadiina gashateen oo quluubtooda idiin ka buuxa.

Waxa maanta ladhka baaqan soo kiciyey xaaladda siyaasadeed ee waddanka aad u dhaarateen in aad ka difaacdaan wixii halis ah ee kaga imanaya dhusha sare iyo docaha ama debedda iyo gudaha.

Xaaladda waddanka ee aad ilaalintiisa debedda ugu dibjirtaan, uguna dulqaadataan diihaalka gaajada iyo oonka harraadka, hanfiga kulka iyo gabaddanada qabowga, diifta daalka iyo dekaanka, hilowga iyo boholyowga ooryihiinna iyo ubadkiinna.

Baaqu waxa idin la dareen wadaagayaa in aad xaaladda waddanka ku baraarugtaan oo isha ku haysaan.

Waxa baaqu sidaa farriin culus oo ah in waddanka iyo Qaranku (dawladnimadu) ka weyn yihiin xukuumadda markaas talada loo igmaday ee fulineed, muddadeeduna ku cayiman tahay dastuurkeenna.

Farriintu waa in aanu shiishka qorigiinnu ka lumin, ka habaabin yoolalkiisa dhabta ah oo aanu shiish dellegmin, loo na yeelin yoolal been ah oo lagu jeedin shacabkiinna.

Waa in aanu shiishkiinnu noqon mid hoos ugu soo noqda gurigiinna gudihiisa sidaas la idiin ka jecel yahay..

Waa in aan shakhsi iyo kooxi idin ku guuri karin oo aanay meel kaga dhici karin sharafta iyo karaamadiinna qalinka dawaaddiisu culus tahay uu baalka dahabiga ah idiin ku xardhay.

Waa gar iyo daw, in xukuumad kasta oo talada haysa lagu garab galo gudashada awooddeeda fulineed ee dastuuriga ah.

Waxa se yimaadda deelqaaf iyo danbabeero ruqan haddii la raaco marka ay xukuumaddu ka baydho toobiyihii toosnaa ee hayaanka iyo hawadinta hawlaha qaran, oo marka la isku dayo in lagu soo dabbaalana ay iyana holliso in ay galka seefta kala baxdo.

Ciidankayagiiyow, “hadda shalay ma dheerayn, waxa dhacay ma fududayn”.

Yaa ka sumcad, haybad iyo karaamo badnaan jirey Ciidankii Xoogga Dalka Soomaaliyeed maalmaha qaar, yaa se ka foolxumo iyo bahdilnaan jirey isla Ciidankaas Xoogga Dalka Soomaaliyeed maalmihii dambe ilaa la waayey isaga iyo xukuumaddii marna dhistay, marna heddiisii goysey?

Ciidankii Qarankaygow:
“Taariikhdu waynoo musbaax maanka caawima
Adoo male gudaayaad yaqiin marar ku gaadhaa
Makaankaaga waa inaad taqaan meelba waxa yaal”.

Ciidankayagiiyow, waa aad ka bedqabtaan bukaannada bulsheed iyo daafka iyo bakoorada siyaasadeed ee maanta dalkeenna ka dhisaalan ee ka digtoonaada cudurradaas dilaaga qaran.

Hiilada iyo kala safashada indhaha la’ ee qabyaalada ayaa cudurrada ugu weyn ee ciidankii dalkow ka durka.

Dalka iyo dadkiinna aad heeganka ugu jirtaan isku ilaaliya oo dugsigaas, deyrkaas, dalladdaas iyo xeerkaas u ahaada mar kasta iyo xaalad kasta.

Ha noqonnina kuwo lagu kala furfuro budh iyo xoog ama tab iyo xeel oo bulshadii ay u taagnaayeen laga horkeeno oo lagu baraq-nugleeyo.

“Nin lagu seexdow
Ha seexan
Xil baad siddaa
Ha seexan
Soo jeedoo
Si weyni u feejignow.

 

Maxamed Baashe Xaaji Xasan

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker