Habka ugu Macquulsan ee looga maarmi karo in la aado dhakhtar dibadeed

Hadii la heli lahaa 800,000qof oo iska registergareeya Hospitalka Guud ee Hargaysa oo midkiiba bixiyo sanadkii 15dollar waxaanu heli lahayn 12milyan sanadkii oo cisbitaalka dakhli u noqda.

Hadii aanu heli lahayn gudi nadiifa oo madaxbanaan oo cisbitaalku yeesho 12milyan in ka midaa waxaanu ku soo shaqaalaysiin lahayn dhakhatiir caalamiya oo khibrad u leh waxay dawaynayaan,lacagtaa in ka midaana waxa lagu dabari lahaa qalabaynta iyo fayo dhowrka hospitalka.

800,000qof oo ka midaa Halka milyan ee ku nool caasimada oo bixiya £15 sanadkii waxay kafaalayn lahaayeen in uu helo qofkasta oo reer hargaysaa dhakhtar aqoon u leh xanuunka haya,halka bulshadeena ay India, Ethiopia iyo Maleeshiya ay kumanaan kun kaga baxaan,waxaan qabaa in dhakhatiirtaa aanu dalalka shisheeye ugu tagaayno ay inoogu iman karaan dalkeena hadii aanu mushahar wanaagsan siino, waa hadii la helo gudi iiman leh oo si wanaagsan u maamula dhakhliga soo gala hospitalka.

Hargaysa waxa ku nool Halmilyan iyo dhowr boqol oo kun oo qof ka waran haduu muwaadin kastaa sanadkii bixiyo.

Waxaan qabaa in waxqabadku bulshada ku xidhan tahay inta la sugaayo dawlad.

Fikirkii Enginer Faysal Cabdiraxman, Bristol,UK

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker