Taariikhda Layaabka Leh ee Waddanka Taiwan

Waddanka Taiwan waa Gasiirad dhacda badda koonfur bari China qiyaas dhan 200km,waxayna u dhaxaysa China,Japan iyo Philipine Waxay Leedahay Buuraha ugu dhaadheer  marka la eego dhulka loo yaqaan bariga Tibet taas oo ka dhigtay Dhulka ugu roobka badan inta badan dadka waxay ku nool yihiin meelaha banana ka ah ee ka rogan Buuraha dhulkaas oo u badan dhinaca galbeedka oo ay qaabay eeyeen  ama isku simeen qul qulkii daadadka xoogganaa ee buuraha ka soo rogman jiray muddo qarniyo ah.

Dadka asalka hore dhulkan ku dhaqnaa waxay ahayeen Austronesian oo ay isku ab iyo isir ahaayeen dadka Reer Philipiin.muddo hadda lagu qiyaaso illaa 400 oo sano Waxa dad soo galow ahi kaga soo qul quleen Gobolka Fujian ee China halkaas oo ay degeen dadkan oo kala duwanaa asalkoodu waxay isku qabsadeen dhulkii ay degayeen taas oo keentay inay gaashan buur ka kala samaystaan dadkii ay ugu yimaadeen dhulka halkaana ay dagaalo ku dhex mari jireen.

Wakhtigii uu xukumayay boqorkii Qinq dhul waynaha Shiinaha waxa uu xukunka Taiwan hoos keenay Boqortooyadiisi 1683 kii isagoo markaas ka qabsaday boqorkii haystay oo la odhan jiray ming oo isaguna ka Xoreeyay Beljimka ooh ore u haystay Taiwan  hase ahaatee 1895 dagaal dhex maray Shiinaha iyo Japan ayaa Taiwan ku raacday japan hase ahaatee sanadkii 1945kii markii japan ay ku jabtay dagaalkii labaad ee Adduunka ayuu shiinuhu dib u qabsaday Taiwan waxayna isku noqdeen Jamhuuriyadda China ROC.

Haddaba Markii uu guulaystay Xisbigii shuuciga ee waddanka China 1949kii ee uu Hoggaminayyay Mao tse–tung,ee uu ka guulaystay xukumaddii hore oo gaashan buurta la ahayd Maraykanka ayaa Saraakiishii Sar sare ee xukunka laga tuuray oo u horkacayo Chiang Kai-shek waxay u qaxeen Waddanka Taiwan oo wakhtigaas loo yaqanay Xeebaha koonfureed ee China, Madaxweynihii talada ku guulaystay ee China ayaa isla sanadkaas waxa uu beddelay magacii ahaa Jamhuriyadda shiina aha (ROC) waxanu ka dhigay Jamhuriyadda Dadka ee Shiinaha (PRC),dhinaca kalena Shinag kai –shek waxa uu ka dhisay Xarun magaalada Caasimadda ah ee Taipei Taiwan waxanu isagu boodhka kasii tumay  magacii  Jamhuriyadda Shiinaha (Repuplic of China ROC} waxanu isu aqoonsanaa  inuu isagu yahay Xukuumadda sharciga ah ee Shiinaha oo ay Shuuciyuntu soo baro kiciyeen waxanu isu arkayay inuu yahay dowlad baro kacday (Exile Government).

Maraykanku kolkii hore wuu ka cago jiiday inuu taageero xukuumaddan Taiwan ka dhisantay ee Baro kaca ah,waxanu rabay inuu xidhiidh la yeesho xukuumaddii markaas Talada la wareegtay ee Mao tse-tung,hase ahaatee waxa arrintu is beddeshay markii Xukumaddii Woqooyiga Kuuriya ay weerartay Koonfurta kuuriya isla markaana Shiinuhu la saftay woqooyiga kuuriya ayuu Maraykankuna la saftay Xukumaddii Taiwan.xiiligaas ayay Maraykanu Taageero military oo toos ah siiyay waddanka Taiwan waxanay 1954kii kala saxexdeen Taiwan iyo Maraykanku heshiis difaac.illaa iyo wakhtigaas Colaadu way ka dhex jirtay labada waddan Maraykankuna taageeradii Taiwan halkii ayunbuu ka waday.

1971-1972 ayay woxoogaa maraykanka iyo shinuhu heshiis wada galeen taas lagu dabcinayay culayska china ka haysta in lagu daro Golaha ammanka halka shiinuhuna uu iska yara fogaynayo Ruushka oo uu maraykanku u arkayay Cadowga koowaad. Hase ahaatee 1978kii xilligii uu maraykanka xukumayay Jimmy Carter ayaa waxa uu mar keliya ku dhawaaqay inuu Jamhuriyadda dadka ee shiinaha aqoonsaday isla markaana uu faraha kala Baxay Aqoonsigii Jamhuriyadda Shinaha (Taiwan) arintaas oo naxdin ku ridday Taiwan.waxa uuna maraykanku qaattay Siyaasaddii loo yaqaannay (One china policy) taas oo Taiwan ay tahay gobol ka mid ah China.

1979kii muran badan ayaa ka dhex dhacay Golaha Congress ka maraykanaka kaas oo ku saabsanaa arrinta Taiwan,waxa uu aakhirkii keenay heshiiska loo yaqaanay (Taiwan Relation Act TRA) waana heshiiska muu maraykanku kula dhaqmo Taiwan ilaa maantadan,inkastoo aanu heshiiskani si cad u qeexayn in maraykanku difaaci doono Taiwan haddii la soo weeraro haddana waxan shaki ku jirin inuu u soo daabulayo ciidan haddii ay taasi timaaddo.waxa kaloo heshiiskani ogolaanaya in hub nooc kadtaba si toosa looga iibiyo Taiwan.waxa kaloo aan la dhayalsan Karin  inay Taiwan la xulufo tahay Maraykanka koonfurta Kuriya iyo Japan. Iyadoo Taiwan iyaduba aanay Ciyaar ahayn ee ay is difaaci karto  Sidaas darted maaha meel ay shiinuhu ku deg degi karaan.waxa kaloo xusid mudan siyaasadda shiinuhu wattaa waxa la yidhaa “Soft power” waxa uu rabaa inuu Adduunka hab ganacsi ku qabsado markaa dagaal iyo Qalalaase ka curta Gobolka oo carqaladeeya Diyaar uma aha oo waxa la odhan karaa shiinuhu beed ayuu ku fadhiyaa arrintiisuna canbaarayn iyo dhaqaale uu ku gor gortamo ma dhaafsiisna.

DHAQAALAHA TAIWAN

Taiwan waxay ku hore martay xagga dhaqaalaha waxayna u dhaqantaa habka Hanti-goosadka aynu u naqaanno af Somali ahaan,waxay kaga jirtaa kaalinbta 7aad qaaradda Asia halka ay Adduunkana kaga jirto kaalinta 22aad waxay ka diiwaangashantahay Hayadda lacagta Adduunka ee IMF iyo Baanka Adduunka.waxay kaloo ka horumartay Taiwan xagga Isgaadhsiinta Casriga ah,iyo technolog iyada,waxa kaloo ay ka mid atahay Taiwan afarta dale e loogu yeedho Shabeelada Asia waa Koonfur Kuria,Taiwan, Philipiin,iyo Hong kong,sababta loogu bixiyay waa korriinka deg degga ah ee xagga dhaqaalaha.Dalal badan ayaa Adduunka xidhiidh la leh Taiwan, Waxay Taiwan Tusaale u noqon kartaa dad iyagu iskood wax u qabsaday oo ka dheereyay dad badan oo ictiraaf haysta.

 

XIDHIIDHKA SOMALILAND IYO TAIWAN

Anigu ma qabo sida dadka Qaarkii ay leeyihiin “Laba Qaawani isma qaaddo” taasi waxba kama jiraan oo Taiwan quwadda iyo dhaqaalaha ay leedahay waynaga ka soo sheekaynay waxan se saadaalin karnaa in maadama uu waxa adduunka ka socdaa uu yahay Ficil iyo is xulafaysi waxa macneheedu yahay yaan laga a badin uun,waxana dhici karta in Somaliland ka faa’iido xidhiidhka Taiwan oo ay ka hesho kaabayaa sha dhaqaalaha,waxarasho,iyo Farsamo technology.dhinaca kelena waxay soo jiidan kartaa arrintani saxiibo hor leh oo ku soo dhiirrada Somaliland inay xidhiidh la samaystaan.

 

Tixrac  https://fas.org/sgp/crs/row/RS22388.pdf

 

Rashiid Odawaa M.A diplomacy and International Relation

Khadarsalaan@gmail.com

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker