Wasiir Beyle Oo la Kulmay Wafdi ka Socday Dowladda Norway.

Wafdi ka socda Wasaaradda Arimaha Dibadda Dowladda Norway ayaa maanta lagu soo dhaweeyay magaalada Muqdisho.

Xubnaha Wafdiga ayaa Booqday  Xarunta Wasaaradda Maaliyadda ee Magaalada muqdisho, iyaga oo kulan gaar ah la qaatay Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle.

 

Kulanka ayaa labada dhinac waxaa ay kaga Wada Hadleen Arrimo la Xidhiidha horumarka Maaliyadda Dalka iyo wada shaqeynta Soomaaliya iyo Norway.

“Maanta waxaan Xarunta Wasaaradda Maaliyadda ku soo dhaweynay Wafdi ka socday Wasaaradda Arimaha Dibadda Dowladda Norway. Waxaan ka wada hadalnay horumarka Maaliyadda Dalka iyo wada shaqeynta wanaagsan ee nagala dhaxeysa Norway ayuu yiri’Wasiir Beyle.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegtay inay dadaal weyn ugu jirto sidii Soomaaliya looga cafin lahaa deynta,waxaana wufuud ka socota Soomaaliya ay ka qyeb galeyn Shirar arrimhaas looga hadlayay.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker