Kulankii Faysal Cali-waraabe ee Farmaajo Wuxuu Jawaab u Yahay Sawirkii Muuse Biixi uu la Galay Ismaaciil Buubaa

Waa shaqsi-xurmo muddan oo xeel-dheer, xilkas, xikmad badan oo gob ah. Gobonnimadu waa shaqsiga ka taga wixiisa ee lala noolaan karo, mana aha shaqsi lagu sifeyn karo gun, gunnimaduna waa shaqsiga garwaaqsan waaya ee aan lala noolaan karin.

Tan iyo waagii uu u xuub-siibtay dhinaca siyaasadda, wuxuu tabo-galiyey binneyntii Xisbiga Daryeelka iyo Caddaaladda ee loo soo gaabiyo UCID, waxa uu u xusul-duubnaa inuu ku gaadho hankiisa uu hiigsanayo, isagoo u maraya nidaamka xisbiyada badan ee ku dhisan hannaanka dimuquraaddiyadda lagu soo doorto mansabka ugu sareeya ee Madaxweynaha dalka Jamhuuriyadda Somaliland.

Inkasta oo uu dhowr jeer ku guuleysan waayey tartankii doorashada madaxweynenimmo ee ka qabsoomay dalka, haddana marnaba lagama dareemin xanuunada dusduska iyo khiyaamada ay keento guul-darradu, waxaannu illoobay xoolo, xil iyo xille, sidii uu guure iyo galab carrow ugu jiray danta qaranka wada-jirkeeda, difaaceecda, midnimaddeeda iyo wada-noolaanshaha ummadda ku dhaqan Jamhuuriyadda Somaliland.

Dullucda qormadeydani waxay daaran tahay “halka aad shaqsi ka qaadato, shaqsi baad kaga tagtaa, halka aad ka qaadato dhidar kuu xidhay harag dibina aad kaga tagto shaqsiyaad badan.” taasoo, hogo-tusaale u noqonaysa in laga dheehan karro muuqaalada ay bixinayeen sawirkii Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID, Eng. Faysal Cali Waraabe uu la galay Mr. Farmaajo oo ah Madaxweynaha Dowladda aan Iskeed Isku maamulin ee Soomaaliya, kaasoo cadow ku ah qarannimada Jamhuuriyadda Somaliland, iyadoo ay taasi jawaab u ahayd sawirkii uu Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi la galay Ismaaciil Buubaa oo xubin ka mid ah xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI.

 

 

Qoraa. Maxamed Faarax Qoti

mfqoti@gmail.com

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker