Sifooyin fudud oo lagu kasbado Jacaylka Dadka

3 ficil oo lagu kasbado Jacaylka Dadka

Sifooyin fudud oo aad laasinto waxaad ku kasbanaysaa Jacaylka dadka aad la nooshahay. In Alle dadka Jacayl kuu geliyaa waa nimco weyn. Jacaylkaas waxaa lagu helaa dhaqannadan oo lagaa helo.

1. Faafinta Salaanta

Faafinta salaantu waa sunne la dayacay waqtigan aynu noolnahay. Faafinta salaanta islaamka waxaa ka dhasha in ay dadku is jeclaadaan oo dhexdooda ay timaado naxariis.

Waxay meesha ka saartaa cadaawadda dadka dhexdooda ku faafaya. Marka aad qofka salaanto waad u ducaysay – nabadgelyo, naxariis iyo barakada Alle korkaaga ha ahaato – markaa adna waxaad helaysaa sifahaas aad walaalkaa la jeclaatay.

Salaanta dadka dhexdooda ku faafi oo kasbo Jacaylka dadka.

2. Hadyadda

Rasuulkeenu (csw) wuxuu inagu dardaaray wax isku hadyadeeya aad is jeclaataane. Hadyadda oo aad siiso xaaskaaga, saaxiibkaa, walaashaa, hooyadaa iyo dadka kula nool waxaad ku helaysaa jacayl.

Hadyaddu haba yaraatee ha ka mid noqoto dhaqankaaga oo ku kasbo jacaylka dadka.

3. Oofinta balanta

Balanta oo la oofiyaa waa dhaqan islaam oo wanaagsan. Oofinta balanta waxaa ka dhasha in lagu ixtiraamo, in sharaftaadu weynaato iyo in lagu jeclaado.

Qofka balanta oofiyaa waa qof la isku halayn karo, qofkaasna dadku waa jecel yihiin. Ogow in aad qabatinto dhaqanka balan oofinta waqti lagu jiro in balantii la dayacay.

Balan ha gelin haddaad gashana oofi. Oofi balanta ha yaraato ama ha weynaato oo ku kasbo jacaylka dadka kula nool.

Hadday dadku ku jeclaadaan waa markhaatigaagii aakhiro oo ku jeclaaday – laga yaabaa in Alle kugu jeclaado dhaqannadaas wanaagsan – jacaylka Alle haddaad heshana waxaad heshay wax walba.

 

WQ: Imaan Cabdiraxmaan Cismaan

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker