ICTIRAAF SOMALILAND VIA SOMALIYA IYO GARSOORKA BEESHA CAALAMKA

waxa hubaal ah in Somaliland xornimo hanatay 26june 1960kii halgan xornimo oo qaatay 76 sano.
33 dawladood baa ictiraafay Somaliland,
31 sano ka dib burbur iyo halaag ku dhacay goboladii la odhanjiray woqooyi galbeed oo taliskii militarigii shuuciyadii siyaad bare
kula kacay  duqayen cir iyo dhulba ah taas oo dhaxalsiisay in dhamaan loo qaxo Ethiopia. 1991 kii waxa goaansadeen reer Somaliland
in qaranimadoodii dhicisawday in ay dib ula soo noqdaan taas oo ay kaga badbaadeen burburka iyo baaba haysta koonfur
taas oo ay ku naaloonayaan manta NABAD, HORUMAR IYO HOGAAN WACAN.oo ku qotoma doorasho HAL QOF HAL COD
waa sida rabitaanka shacabku ina farayo  democratic system.taas oo shacab midaysan cadaalad sinaan iyo cadayen
rabitaan shacan beesha caalamku dawlad ictiraaf leh oo beesha caalamku ku qasbanyahay.
27 sano ka dib la soo noqoshadii xornimada Somaliland waa SOO FAR SOO GOOD waa guul iyo gobanimo,
maah maah baa tidhaa MEYDBA CANAAN WAAYIN.NIN XIL QAADAY EED QAAD waa masuuliyad iyo xeerkeed.
Waxa dibu  jaleecid mudan maamuladii afarta ahaa ee u kala dambeeyey Somaliland maareyntooda siyaasadeed  iyo maareyentooda hogaanka dalka ,
1, marxuum cabdiraxman cali tuur wuxu ku guulaystay soo celintii dadkii barakacay iyo daboolidii daarihii dumay si sharafana
   hogaanka dalka wuu ku wareejay BORAMA 1993 .
2.marxuum cigaal wuxu ku guulaystay xukun medeni ah,midayen shacabkii kala irdhoobay, lacag Somaliland u gaara  distoor axdi qarameed.
3. rayaale wuxu ku guulaystay DAL IYO DAD MIDA, doorasho hal qof hal cod oo leh heer madaxweyen, gola shacab , degmo iyo guurti taas oo
    demuqraadiyada beesha caalamka soo jiidatay iyo dhamaan dawladaha caalamka oo uu safaarado ka furay ilaa afartan dal
 dawladaha waaweyni ku jiraan sida maraykanka oo wasiira dii khaarajigu jinta firaysar HARGEISA ka soo degto.
4, ahmed siilanyo wuxuu ku guulaystay waxqabad mug iyo miisaanle sida xafiisyada dawlada dariiqyada halbawlaha ee dalka
sida dariiqa ceerigabo  ilaa burco,aiportka Hargeisa, Berbera qaybo ka mida dariiqa qoolka ilaa dilla tuli ilaa goraya cawl iyo
qaar ka loo badan.
maamulka musa looga fadhiyee jabhadaha dagaalada sokeeye iyo sicir barabarka iyo sida uu uga midho dhaliyo,
LOOGOW LOOGU YEEDH LOOGASE FADHIYEE.
DHAQAALE HANDARAAB IYO QUFUL NAYEN BI NAYEN , JABHAD CAARE , BADHAN , BUUHOODLE IYO ADHI CADEEYE CILMIGEEDA
WAA LAGAAGA FADHIYAA.
SUAAL AAN JAWAAB U RABO????????????????????????????????????
wada hadalkii wax garadka Somaliland iyo somaliya ee loogu magac daray  HERITAGE AMA HIDA DHAW ee lagu qabtay Djibouti
doodaa oo dhawrmaalmood socotay waxa iiga dhexmuuqan waayey hal siyaasi oo koonfur ka ah oo rayi ahaan waafaqsan
in ay xaq u leedahay Somaliland in ay dawladnimadeeda  la soo noqoto loona aqoonsado xataa waxa ku adkaa magaca
Somaliland iyagoo ku tiraabayey gobolada waqooyi
halka aqooyahano tobaneeyo kor u dhaafay oo asal ahaan somalilanders ah sida gudoomiye ku xigeenka pm federalka, fosiya, prof
hussien warsame iyo xildhibaano kale ay ka soo horjeedeen qaranimada gooni isku taaga SOMALILAND,
wax wada lahaashu waxa uu ka muuqdaa koonfur hal qof  dawl;adnimo Somaliland kuuma ogola halka siyaasiyiin
 Somalilanders ihi rayiga midnimo ku raacsanyihiin;
TAASI WAXAY KA TURJUMAYSAA SIDAY1960KII WAX WADA  LAHAASHO UGU OGOLAYEN EE AY IYAGU WAXBA U OGOLAYEN
SOMALILAND MAANTA OO AAD NIN KOONFUR AH OO UGU YARAAN YIDHAA DADKAA WIXII BURBUR IYO BAABA LOO GAYSTAY
INAY DAWLADOODI LA NOQDAAN XAQ BAY U LEEYIHIIN AAD KA WEYDAY WAXA KA WEYEN HAKA FILANE
SOMALILAND HA TASHATO OO TASHATAYE CADAALAD MANSAB IYO MAALBA HA SAMAYSATO IYO TURXAAN SAARID,WIXII TABASHO
EE TAALA DAL IYO DADMIDAYSAN WAA GUUSHA ICTIRAAF EE SOMALILAND ,JEEGAAN IYO GIRAANI OO MIDA WAA GOOLKA IYO
GUUSHA DAWLADNIMO EE SOMALILAND,
FULAW GUULI KUU DHAWEYDAA.
WAXAN KUSOO XIDHAYAA TIXDII AHEYED
NINAAN DAWLADBAA XAMAR FADHIDA
HAW DURMAAN TUMAN,
SOMALILAND GUUL IYO GOBANIMO,
MUSA AW HASSAN LODOON
AWDALI DUBAI,

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker