Waayo cida loo aaneyn karaa dib udhaca Deegaanka Oodweyne?. Qayb intee leeg bay ka yihiin Ganacsatadu?

Waayo cida loo aaneynkaraa dib udhaca Deegaanka Oodweyn?.

Qayb intee leeg bay ka yihiin Dib u dhaca Deegaanka Oodweyne Ganacsatadu?

 

Sidaa wada ogsoonahay ganacsatadu waa isha dhaqaale ee ganacsi ee Abuuri karta xarakaadka shaqo iyo is dhexgalka bulshada xuduna u ah Marinka dhaqaaale gobolka ama waa hadba inta ay maalgashato ganacsatadu inta uu dhaqaalaha gobol uu leeyahay uu noqdaa mid bulshada saameyn ku yeesha kor u kaca iyo dhaqdhaqaaqa noloshooda .

Hadaba inagoo taas ka duuleyna ganacsatada oodweyne oo kamida ganacsadayaasha ugu badan ee gobolkan odweyne leeyahay ayaa jirin wax ay kaga celiyeen gobolkoodi mid maalgashi iyo mid taburacaad midna waxba inagama darsan bedelkeedii waxay buux dhaafiyeen oo camireen Gobolada Togdheer Iyo Maroodijeex Hadey ganacsi tahay, iyo hadii mid maal gashiba ay tahay.

Odweyne wuxuu yahay xudun ganacsi isagoo leh xoolaha ugu badan ee deegaanka leeyahay waxaynu odhan karnaa ganacsatada reer oodweyne waa kuwo gabey deegaankoodi kana soo haajiray magaceedan sheegta manfaceedi kala tegay waana mid u baahan inay dib u qaabeyn ku sameeyaan ganacsigooda maalgashi balaadhan ku sameeyaan si gobolku markale ugu soo noqdo xayndaabkiisi dhaqaale ee u lahaan jiray iyadoo waagi hore ay aheyd xarun ganacsi
Oo weyn waxaa markhaadi madoon ah inay ka ganacsan jireen Hindi, carab taasina suurto gelisay inay abuuraan ganacsi buuran uu ka hirgalo degmada iyadoo ay hormuud la ahaayeen ganacsatadii deegaanka waagi dawladii Somaliya aynu isku aheyn.

Waxaa hadaba xusid mudan inay ganacsatadu kaalintoodu ay dayaceen kana midyihiin kuwooda ugu xusida mudan ee gobolku la dhitinaayo ma jiro halganacsade oo qudha oo maal gashadey degmadiisa.

 

Maamulka Gobolka iyo Degmadu qayb intee leeg bay ka yihiin dib u dhaca Deegaanka?.

Waa suaal inta badan ay farta bulshadu ku godaan maamulka heer gobol iyo degmo loona aaneeyo sodonkii sano ee u dambeeyay inaanu deegaankani helin cidii hanan lahayd hogaanka ama ku habooneyd hogaaminta heer gobol iyo heer degmo waana halka ay bulshadu ay ku jaahwareertay marka aad dadka weydiiso dib udhaca gobolka waxa ugu wacan waxay markaba ku sheegayaan inay tahay maamul xumo xaga hogaanka dhaqanka iyo siyaasadaba
Waa hubaal taasi waana biyo kama dhibcaan inay maamul xumadu ina ragaadisay iyadoo aynu la qabno dadka kale xaalada guud ahaaneed ee wadanka ka jirta aawadeed.

Bulshada Deegaanka kasoo jeeda door intee leeg bay ku leeyihiin dub u dhaca Gobolka ka jira?.

 

Sida wada ogsoonahay bulshada kasoo jeeda gobolku waa bulsho aad u balaadhan Laguna tilmaami karo mid kamida bulshooyinka ugu balaadhan wadanka sidaas oo ay tahay waa meesha qudha ee deegaanku ama gobolku ka ciilanyahay ee looga soo dhacey gobolka ee uu ka tisqaadi la,yahay.
Waxaa hadaba is wey diin mudan qaab noocee ah ayey bulshadu dib u dhaca gobolka raad ay u ugu leedahay.?
Bulsho iyadaa abuurta horumarka ama dibu u dhaca (constructive or distructive)
Inagoo fikrada noocaasa ka duuleyna bulshada Oodweyne kasoo jeeda nasiib daro may noqon bulsho ku sifeysan tilmaamaha iyo qiyamka bulshooyinka guuleysta ee horumarka dhaxal siiya deegaanka ay ku ukan yihiin sababa dhawra oo jira awood oo halkan ku xusi doono:

Kuwaaso kala ah :_

1.waa bulsho aan lahayn wax mideeya ama kulmiye balse lagu tilmaami karo mid kamida bulshooyinka caadada u tahay tafaraauqa iyo kala qaybsanaanta (discriminition) iyagoo ah dad meel kasoo wada jeeda.
2.bulsho danta gaarka ahi ay kaga weyntahay danta guud sunaha wax wada qabsiga iyo wax wada lahaanshuna aan wali quluubtooda ka curan taasoo loo aaneeyo aalaaba bulshada oo aan helin cid jihaysa (vision and mision)
3. Waxaa kale oo u xusi karnaa in deegaanka kani ka aradan yahay nidaamka dawliga taasoo
Ka imanaysa bulshada oo aan aad ugu baraarugsaneyn baahida ay leedahay ka faaideysiga adeegyada dawladeed maadaama ay yihiin dad iska reer guuraa ah oo wax badan u arkaynin cid u adeegta.
4. Qaybo bulshada deegaanka ka mid ah ayaa waxay u arkaan hantiilayaal qaybo kale oo isla bulshada ka mid ah kuwaas oo ay ka dhigan inay iyagu yihiin mulkiilayaasha gobolka Isla markaana waxay masuuliyada gobolka oo dhan dusha uga ridaan kuwaas oo ay u aaminsanyihin mulkiilayaasha gobolka iyadoo aaney jirin cid gaar isu mulki siisay lahaanshiyaha gobolka hore iyo dambaba taasoo dad badan oo gobolka kasoo jeeda gobolkan ay ka dhigtay kuwa aragtida noocaas ah ee khaldan ay ku keentay inay wax gashadaan goboĺkooda waana halka ay u dhimatay (there is no sharing investment).
5.bulshada deegaankan oo ogolaadey in gobolkan u meel marto ama lagu xasuustaba dacaayado barabagaandhooyin sal iyo raad toona aan lahayn kuwaaso u dhigan qaab ah I dadka deegaanka kasoo jeeda qaarkood yihiin bulsho aan waxba lala yeelan karin isla markaasna iskadaa cidkale aan iyaga dhexdoodu aan kala nabad gelayn dacaayadaha
Noocaas ah oo keenay in dadka kasoo jeeda gobolkan ee daafaha dalka ku kala daadsani ay kusoo dhiiran waayaan gobolka iyo wax ka qabsigiisaba.

 

Waamaxay kaalinta ay baneeyeen aqoonyahanka gobolku ee isna ka qayb qaadey dib u dhaca gobolka.?

Ma jirto wax aynu taaban karno cid ku abtirsada magaca aqoon yahan ee gobolkan leeyahay soo
Sinaba uga qayb qaatey(positive or negative)dib isoo kabashada gobolkan aan ka aheyn xubno faro ku tiris ah oo iyagu iskood isu xilqaamey iyana aan kaligood waxba qaban karin.
Taasoo loo aaneyn karo isku xidhnaan la.aanta kala taadsanaanta ka dhexjirta aqoonyahanka kasoo jeeda gobolkan taasoo dhaxalsiisay inay kaalintoodii ay bulshada ku lahaayeen ay gabeen isla markaana la odhan karo waxay ka qayb qaatadey hoos udhaca wacyiga bulshada iyo baraaruga bulshadan ay dareemi lahaayeen waajibaadkooda kaga aadan maalgashiga iyo horumarka gobolka (Invsetment).

 

Hadaad adigu tuur leedihiyo tootir iyo qaalo
Mid kaleeto inaad toosiisaa waa tu aan dhicin
Waxa khaayinada looga tegay tacabadii boobey
Ninba qoon ku taal buu ka baqey inay ka taabtaane
Hadaan tiriyo waxaynu nahay waan tawagayaaye
Taariikhda weli sooma marin teenan oo kale e
Tiihi Israa,iil helay bay tani sallawadaaye
Anoon boogta wada taabanoo idin tusaaleeyay
Oo aan tanbiih iyo islaax taana uga jeedo
Waa taaraan boost ugu ride soobe haw u tage e.
Alle ha u naxariisto Abwaankeni X.A.Afqalooc
Gabaygiisi tabaalaha wakhtiga.

 

Hiilka qalinka Oodweyne
Lasoco qormooyinka dambe

 

Abdisalaan(Ilkacase).

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker