Madaxa caafimaadka degmada saylac oo isku badaley badhasaabka Salal.by Musa Ali

Warar xasaasi ah oo aan ka heleyno degmada saylac ayaa waxay shegayaan in madaxa caafimaadka degaanka saylac oo looyaqaan badhasaabka qarsoon ee gobolka Salal Mr Yusuf Awale Dahir oo ku dhaqaaqey wax uuna sharci ama awood u lahayn taasi oo keentey iska hor imaad maamul iyo shaqaale.

Sidoo kale waxaa isa soo taraya cabashada usoo gudbaysa heer gobol iyo heer qaranba ee kusaabsan caqabada uu kuyahay shaqada loo hayo bulshada degmada saylac.

mr.yuusuf. Maaha markii uhoraysay ee aytimaado tani hore waxaa u jirtay in uu abaabul iyo gulxan qabyaaladeysan uu ku kiciyay shaqaale isagoo dariiqiisana uuna soo marin.

sida saxdaa haday tahay waxbarasho amaba shaqaalayn taasi oo uu ku salaynayay in ay tahay habqabiilaysan iyada oo markii la baadhayna la ogaaday inayna jirin wax kama jiraana noqotay hawshaasi, sidaas oytahay, waxaa kale nasiib daro ah in sida aan wada ognahay caafimaadku yahay wax runtii u baahan in uu kashaqeeyo qof aqoonteedii leh.

mr.yuusuf maaha nin sida lawada ogyahay ah bahda caafimaad amaba dhinaca kale u ah ehel aqoonta caafimaadka taasina waxay ceeb ku tahay qaranka JSL iyo degmada saylac oo ay dadku leeyihiin miyaa laga waayey degmada saylac dad aqoon u leh xirfada caafimaadka?

Si kastaba ha ahaate, in badan sida wararku sheegayaan isa sootarida caqabadan badan oo degmada ku keentay in horumarintii caafimaadku oo ay hakad ku keeneyso taasi oo dhinaca kale loo aanaynayo maamulka heer gobol in uuna fiira gaara siinayn in bulshada degaankaasi u damqanayn wax dan ah oo ka haysaana jirin waana ta keentay in hooyooyin badan ay u dhintaan umul raac taasi oon ognahay in korodhka bulsho laga qiimeeyo dhalashada ubadka hadba deegaanka ay ku dhaqanyihiin.

Hadaba su,aasha ay dadku is weydiinayaan waxay tahay badhasaabka gobolka Salal iyo madaxa caafimaadka degmada saylac maxaa ka dhaxeeya?

Waxa kale oo bulshada reer Salal ay is weydiinayaan Mr Yusuf Awale Dahir oo ah madaxa degmada saylac ee caafimaadku muxuu kaga duwanyahay shaqaalaha  kale ee la siman sidoo kalena badhasaabku uga dhawaystaa isaga?.

Waxa  is weydiin mudan wasaarada Horumarinta caafimaadku waxa ay ku dooratey nimaanan ehel u ahayn caafimaadka?

Sida wasiirka wasaarada horumarinta caafimaadku inuu inbadan hadalkiisa ku cel celiyey inuu ku hormarin doono dad aqoon iyo xirfad u leh caafimaadka JSL.

By Musa Ali

Musaali@hotmail.com

Amsterdam Holland

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker