Wasiirka Arimaha Gudaha Iyo Wasiirada Kale Ee Nabadaynta u Jooga Degmada Ceel-afweyn Waxay Gabteen Shaqo Tii Ugu Fiicnayd.

Bishii u danbaysey waxaa degmada Ceel-afweyn ee Gobolka Sanaag, Fadhiyey xubno ka mid ah golaha Wasiirada oo uu hoggaaminayey wasiirka Arrimaha Gudaha Mudane, Maxamed Kaahin Axmed iyo ergooyin tiro badan oo u tegey dabinta colaada halkaas ka taagnayd muddada ka badan saddex sano.

Arrintan colaada Ceel-afweyn ayaa hada la filayaa in laga soo saaro go’aamo culus oo lagu xakamaynayo in ay soo noqoto colaada u dhexaysa beelaha walaalaha ah ee wada dega degmada Ceel-afweyn iyo inta ay xukunto.

Dabinta colaadan waxaa door muhiim ah ka ciyaaray am aka qaatay xukuumadda madaxweyne Muuse Biixi, iyada oo ay masuuliyad gaari ahi ka saran tahay arrimaha ammaanka dalka, sidoo kale waxaa door muhiim ah ka ciyaaray xubnaha golaha wasiirada ee sugan degmada Ceel-afweyn, oo uu hoggaaminayo wasiirka Arrimaha Gudaha, ayna ka mid yihiin wasiirka Dhalinyarada iyo Ciaayaraha Boos Mire Maxamed, wasiirka Xanaanada Xoolaha iyo Kaluumaysiga Xasan Gaafaadhi, Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Sh, Khaliil Axmed, wasiirka Arrimaha Bulshada Hinda Gaani iyo wasiirka Haruumarinta degaanka Marwo Shugri Baandare.

Dhamaan wasiiradaa aan kor ku soo xusay waxay dedaal badan geliyeen sidii ay u dhamaan lahayd colaada degmada Ceel-afweyn, waxayna mideeyeen bulsho ay colaadu kala fogaysey, balse ah dad wada dhashay oo aan melena kala tegayn, dedaalkaas ay wasiiradu sameeyeen ayaa gogol xaadh u ah go’aamada dhinaca shareecada ee ay soo saarayaan culumaa’udiinka waaweyn eek u sugan degaankaas.

Fulinta go’aamada la filayo in ay soo baxaan waxaa fulinteeda leh xukuumadda. Gaar ahaana wasiirka Arrimaha gudaha Maxamed Kaahin Axmed, oo ahaa shaqsi hadh iyo habeenba u taagnaa sidii ay u dhamaan lahayd colaada Ceel-afweyn, waqtigana ay ka go’antahay in uu fuliyo go’aankasta oo ka soo baxa xeer-beegtida fadhida degmada Ceel-afweyn.

Waxaan sugnaa degmada Ceel-afweyn.mudadii ay ka socotay nabadaynta ay gadhwateenka ka ahayd xukuumaddu, waxaa ii muuqatay dedaalka ay xukuumaddu gelisay arrintaa iyo sida ay uga go’nayd in ay dhamaato colaadaa mudada soo taagnayd, magaca iyo tacabka la geliyey degmada Ceel-afweyn madaxweynaha ka sokow waxaa iska leh libinta xubnaha golaha wasiirada ee degmada ku sugan uuna hoggaaminayo wasiirka Arrimaha gudaha somaliland, Mudane Maxamed Kaahin Axmed.

 

Gunaanad

 

Ugu danbayntii waxaa muhiim ah in labada beelood ee walaalaha ayna dhexmartay dirirtay ay aqbalaan go’aankasta oo ay soo saaraan culumida reer somaliland iyo dadka kale ee waxgaradka ah ee hawshaas ku jira,xukuumaddana waxaa ku waajib ah in ay fuliso go’aankasta oo soo baxa cidii ka baxda waxaa lagu heshiiyona dhinac laga wada noqdo.

 

Cabdillaai Axmed Caarshe, Hargeisa, somaliland

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker