Weli mamaqashay “qaaradda 8-aad” iyo halka ay kutaallo?
Waxaa dhici karta in aadan horay u maqal in dood ay ka taagan tahay tirada qaaradaha ee dunida.
Waxaa suuragal ah in aad aragto dad ku doodaya in qaaradaha dunida ay yihiin afar halka kuwo kalena ay sheegaan inay yihiin tododo.
Waxaa jira dad Yurub iyo Aasiya isku dara oo ka dhiga qaarad loo yaqaanno Eurasia. Halka kuwo kale ay isku daraan Waqooyiga iyo Koonfurta Ameerika oo ay ka dhigaan qaaradda Ameerika.
Hase yeeshee inta badan dadka caalamka ayaa isku raacsan in todobada qaaradood ay yihiin: Waqooyiga Ameerika, Koonfurta Ameerika, Yurub, Aasiya, Afrika, Australia ama Oceania iyo Antarctica.
Sanadkii 2017 waxaa soo baxay culimo ku takhasustay badka dhulka oo soo bandhigay waxa ay ugu yeereen qaaradda sideedaad, Zealandia. Badkeedu waa 4.8 milyan oo iskuweer, waxaana ay lix laab ka weyn tahay dalka Madagascar.