Waxaan ogaaday inay Saxaafadeenuna local tahay :by abdirashid osman

Ramadaan kariim muslimiinta oo dhan sigaara dadka afsomaliga ku hadla illaahayna waxaaan ka rajaynayaa inuu ramadaano badan inagu gaadhsiiyo bash iyo barwaaqo ,
nimca waliba nuqsaanlee dalalka somaliland iyo somaliya waxaa ka dhacay roobab dufaano wato oo ku dhuftay gaar ahaan magaalooyinka iyo tuuloyinka xeebaha ku teedsan dufaanadaa oo ilaa iyo iminka aan la xaqiijin karin khasaaraha ka dhashay naf iyo maalba ilaa hadase waxay u muuqataa macluumaadka iyo muuqalada inaga soo gaadhaya sigaara somaliland inuu khasaarahu badanyahay naf iyo maalba, inkastoo aad looga sii taxadiray oo dadka degaanadaa xeebaha ku dhowdhow looga digay roobabkan dufaanada wata hadana si farsamaysan oo habaysan loogama sii gaashaaman dadkana si dhow looguma sii digin waxay u badnayd uun baaq caama oo hay,da ay khusayso arintani oo baaq caama dirtay gobolada iyo degmooyinka ogaysiisay khatarta ka dhalan karta roobabkaa ,runtii waxaabay ahayd markii u  horaysay ee arin noocaasoo kale dalka lagaga digo khataraheeda oo bulshada loosheego dabcan yadoo ay kaashadeen hay,daha caalamiga ee ku shaqale arimahaa cimilada iyo sadaasha qodobkaa waxaan odhankaraa waaba ku amaananyiin.
hadaba waxaa ka muuqada yadoo ay aad u xooganayd sadaashaasi inay xaqiiqotahay oo dufanadaasi sigaara ugu soo fool leeyihiin xeebahaa somaliland iyo somaliya inaanay aad ugu diyaar  garoobin labada hay,adood midna tahay ka hortaga aafoyinka dabiiciga iyo kaydinta raashinka iyo hay,ada barakacayaasha ,waxay ahayd yagoo xukuumada la kaashanayaa iyo waxay gacmaha ka hayaan inay :
1-may jirin wacyi gelin xoogan oo ficilna wadata dadkaa xeebaha ku dhow iyo ku meelaha godanka aba ay kaga howlgalaan yagoo kaashanayaa masuuliinta degaankaa waayo waxaynu ognahay dadkeenu waa dad inbadan wax walba dhayalsada weliba marka ay noqoto saadaal roobab dufaano wata in loo sheego oo layaaho way idinku soo socdaan lagama yaabo inay inbadani rumaystaanba waayoo dhacdooyinka noocasaa ayaa inagu yar inta iminkana inta khasaaruhu soo gaadhay waa intii ka dhego adaygtay ama aan sitoosa loogu sheegin khatarta sadaashani wadato.
2- daadgurayn (dowciya ) oo ay ahayd in dadkaa laga soo daad gureeyo degaanadoodaa oo la geeyo meelo aamina oo khataraha goobahaa laga soo fogeeyo dadka qaarna in laqasbaba ay ahayd khaasata kuwa xeebta aad ugu dhow iyo togoga ama godanka sida aa muuqalada ku arkayseena waxaa qaar ka badbaaday dufaanadaasi carabka ku dhufanayeen markii lawaydiiyey howgoodu halkuu ahaa waxay ku jawaabayeen gacankaasuu gurigayagu ahaa!!!!
3-ma muuqato meelo loo diyaar gareeyey ilaa iyo hada oo hore loo cayimay haday noqoto magaaloyinka waawayn iyo degmooyinkaba oo dadkaa lagu soo daad gureeyo halkaa waxaad ka dareemi kartaa inaa xukuumad iyo hay,adahaasiba wax badan ugu sii talagelin arintan,haday noqoto raashin,goobo amaana,hu ay ka gashadaan dhaxanta.
4- May jirin haba yaraatee qaylo dhaan rasmiya oo loo dirtay dowladaha jaarkaa iyo kuwa caalamkee aynu saaxiibkanahay si looga helo waxyaalaha arimahaasoo kale waxkatara ee aynaan inagu   gacanta kuhaysan ama awoodin sida teedhooyinka diyaaradaha qumaatiga u kaca ee raashinka daadiya .
5-iclaamkeena oo runtii maxaliya iyo saxaafadeenuba gebi ahaanba kuwaasoo oo cod iyo karti ay caalamka wax ugu gudbiyaan lahayn ee ku meeraysta uun arimaha dhexdeena uun waana halka aynu aadka uga liidana ee ka kori la,nahay ,saxaafad uun ka shaqayn taqaana xasarada dhexdeena iyo hebel baa hebel u jawaabay kuwaas oo u dhan maqal ,muuqaal iyo jaraaidba ilaa saxaafada cusub ee iminka layaaho saxaafada electronigaa xataa markii musiibadu dhacday way yartahay inta qoraysa khasaaraha iyo wacyi gelinta bulshada,xataa abaabulkii bulshada in ay isu gargaaraan way awoodi kari waayeen inay bulshada abaabulaan oo dhiiri geliyaan.
6- bulshada kale qaybaheeda kala duwan yaga laftooda masuuliyad baa saarayd inay inay markay maqleen saadashaa iyo taxdiirkeeda inay isasii abaabulaan oo waxay kaga qatb qaataan sii qorshaystaan bulsha waynta haday noqoto caadiga ,ururada samafalkaa iyo kuwakalee wadanigaa .
7- qaybta caafimaadka oo yaga laftoodu aan meesha ka maqnayn inay ahayd abaabul iyo tabaabulsho caafimaad darada ka dhalankarta xaaladaa haday noqoto dhaawac,dhimasho iyo cuduraba laanqayrta casee somalilana hormoodka katahay .
arimahaa iyo kuwa kaloo badani waxay yarayn lahaayeen khasaaraha dhacay yadoo ta illaahayna meeltahay hadana wax waliba waxay leedahay tabaabulsho adoo illaahayna talo saaranaya waxaa dhici karta in dhacdadanoo kale inagu cusubtahay oo aynaan ahamiyad badan siin ama dhayalsanay xataa xoolahaa badbaado inta lakari karo u baahnaa khaasatan adhiga oo dhul lagu xaraynlahaa dushana laga dedilahaa.
ugu danbayntii amarka illaahaybaale hadana bini aadamku tabaabulshuu leeyahay waa deris lama ilaawaana tan maanta inagu dhacday lakiin waa in looga faaiidaa sidaytahay oo diraasada cilmiyeysan laga soo saaraa si ay marjac inoogu noqoto khasaarihii dhacay naf iyo maalna waa in lasoo tirakoobaa oo goob walba cibrad laga soo qaataa ay gaadhay dhibtaasi xataa dadka caamada waraysigoodu waa muhiim ee ka badbaaday dhacdadaa.
waxaan qalin cas hoosta ka marinayaa kelmedaydaa saxaafada ama iclaamkeenaba si guud waa saxaafada ama iclaam maxaliya (local media)..wax halaga bedelo sidan xaafaduun haku soo wareegaalaysaninee debeda u baxoo wax u sheega.
abdirashid osman
abdirashidsmn@yahoo.com
dubai
00971506972985
—– Forwarded Message —–
From: abdirashid osman <abdirashidsmn@yahoo.com>
To: Somalilandmirror Info <info@somalilandmirror.com>
Sent: Thursday, March 22, 2018, 8:40:27 PM GMT+4
Subject: Baayac mushtarka xortaa iyo Somaliland waa kaaf iyo kala dheeri :by abdirashid osman
Somaliland waxaad moodaa inay ku dedaashay inay yeelato uun  haykal dowladeed oo guud, astaamo badan oo tilmaamayana inaynu buuxinay shuruudii dowladnimo way muuqdaan lakiin waxaa dhinaca kale iiga muuqda inaan nuxurkii dowladnimo jirin ama aad u hooseeyo ,taa waxaad ka dheehan kartaa shuruucda dalka maanta lagu hagayo waa mid wada qabya bal meelo badan waxaad moodaan in dedaal shakhsi iyo wax u eeg gartii geedka oo kale lagu wado .
Waxaa ii muuqatay awoodii dowladnimo inay meesha ka maqantahay ,dowladina waxay awood lahaata oo muuqataa marka sharcigeedu sareeyo ee talaaba waloo ayqadaa sharci ku tiirsanataa markaasay bulshaduna ku kalsoonaan kartaa hadiise taasi meesha ka maqantahay waxaa dhacaya in laysku murgo oo xasaasiyada badani dhashaan madaama aanay jirin sharci dowladii iyo dadkii kalahaga ,taa waxaa ka siidaran een maanta qalin u qaatay in badana diirada kuhayey waa ganacsiga iyo ganacsatada ta gudaha iyo mid debed inooga yimaadaba iyo shuruucdii kalahagaysay oo ii muuqata in aan looba samayn ama aan lagu dhaqmin.
Sidaynu wada ogsoonahay waxaynunahay dowlad aan la aqoonsan oo wax badan ka xanibanyihiin khaasatan dhinaca ganacasiga waayo baayac mushtarku mid gudaha dalka ama mid debed inooga yimaada oo maalgelinaba wuxuu u baahanyahay shuruuc kala hagta oo adag waajibkaasina wuxuu saaranyahay dowlada oo laga rabay inay intaanay waxan looyaqaan ganacsiga furan ama xortaa furin inay u diyaariso shuruucdii iyo qawaaniintii kala hagilahayd .
Aniga ra,yigayga kooban iyo aqoontaydu waxay itusayaan in maanta baayac mushtarkeena xortii yahay jaantaa rogan oo uu noqday ka xooga wayni cunayo ka soo koraya ama raad dhaqaajiska oo ganacsatadii waawaynaa midiba mid doonayo inuu liqo munaafasadu markay halkaa gaadhana waxaa imanaya in qolo waliba isticmaasho asaaliib iyo wadooyin xaarana oo aan nadiif ahayn si ay u hesho fursadeeda halkaana waxaa ka dhalan kara isku dhacyo aan natiijadooda lamalayn karayn,wax kalena maaha waxaa meesha ka baxay oo liita awoodii dowlada oo sidaynu horeba u soo sheegnay shuruucdaa ganacsiga xortaa samayn ama qabyaba ka ah,waxaa markaa soo baxay ganacsatada gaarka looleyahay awood u sheegtaan dowlada lafteeda taasina waxay ku cadahay maanta dalkeena, sadex afar shakhsiyadood ama sharikadood baa ganacsigii gacanta kudhigay sidaydoonaana ka yeelaya halkaana waxaa dhibane ku noqday bulshadii ,waayo marhadaanay jirin oo meesha ka maqantahay dowladii ka qabanlahayd ee awoodeeda isticmaalilahayd sharci inay ganacsatadaasi siday doonaan ka yeelaan.
Akhristow waxaa xasuus mudan markaan sawirkaa ka bixinayo ganacsiga xortaa sigaarana ganacsatada waawayn maaha macnuhu inaanay dalkan iyo bulshada u faaiidayn waa laga hayaa faiidoyin badan oo la,aantood aan waxba inoo hirgaleen khaasatan shirikadaha waawayn sida TELESOM ,SOMTEL iyo kuwo kaloo badanba ,lakiin dhinaca kale dhib wayn bay kuhayaan bulshada waayo dowladii ka xakamayn layd baa doorkeedii maqanyahay taasina waa sharciga ,
Guntii iyo gabgabadii caalamka waxa loo yaqaano baayac mushtariga xortii waa ka jiraa waana ka hirgalay dowlado badan lakiin waa mar ay udiyaar garoobeen oo u dhamaystireen dhidibadiisii uu ku soconlaa hadaytahay shuruuc iyo hadaytahay howl fududayntisiba ,waxay abuureen oo hirgeliyeen in baayac mushtariga xorta iyo dowladu is dhamaystiraan oo wada socdaan si loo wada ilaaliyo (adeega,adeegaha iyo loo adeegaha ) markasaa tijaarada xorta hanaqadaa oo dowladuna horumar dhaqale iyo mid siyaasadeedba gaadhaa ,lakiin inagu maanta sidaynu ku soconaa waa (disaster ) waa burbur dhinac kasta xataa dowladaa ku burburi kartaa nidaamkaa fowdada ee aynu ku socono kuna sheegayno baayac mushtariga xortaa uma diyaarnihin nidaamkaa wakhtiga xaadirka .
xalku wuxuu ku jiraa in haybadii dowladnimo la abuuro oo shuruucdii kala hagaysay baayac mushtariga gaarka looleeyahay la sameeyo haduu qabyo yahayna la dhamaystiro dabaglana xukuumadu la timaado iyo fulin,sharikada maanta basiiska keentaa ee soo waaridaa haday yadii soo dejiso oo hadana noqoto yadii tii kala diraysay oo hadana noqoto tii iibinaysay iyo tii xamaalaysay iyo tii istoodh garaynaysay maxaa dadkii kale aynu nidhi tijaaradu waa xor u soo hadhaya waa in lakala xadeeyaa baayac mushtariga oo aanu noqon jantaa rogon.
dhinaca kale dowladu waa inay yada lafteedu kulahataa sheerar sharikadahaa si ay awooda fulineed talo ugu lahaato dowladii iminka sida muuqata wax walba waxay katagantahay fara madhnaan talona daaba waayo awood sharcina mahayso ,waxaad ka dheehan kartaa sicir bararka iminka dalka kataagan ,korontada dalka shirikadaa gacanta loo geliyey siday doonaan ka yeelaya bulshada kuwa isgaadhsiintu wa lamid kuwa shidaalku waa lamid kuwa raashinku waa lamid kuwa dhismuhu waa lamid waa ha socoto uun.
ganacsi xoroon weelkiisii loo toloni ma shaqaynayo bal wuxuu samaynkaraa burbur ,musuqmaasuq,boob dhac iyo inuu ka xooga waynle cuno ka itaalka daran.
abdirashid osman
abdirashidsmn@yahoo.com
dubai
00971506972985

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker