Ismaaciil Hure Bubaa, Siyaasi Ruug Cadaa ah?

Jiilka cusub ee waraysta Ismaaciil Hure Bubaa waa u siyaasi ruug cadaa ah Somaliland,  maxaa yeelay waxa ay badonkoodu dhasheen 90-meeyadii, markii uu ahaa siyaasiga ruug cadaaga ee Somalia-na waxa ay ahaayeen dhalaan, oo waa kuwaa 30-sanao kadib warasanaya.

            Ismaaciil Hure Buubaa waxa uu geedh dheer iyo geed gaaban u soo fuulay sidii ay Somaliland adduunka go’doon uga noqon lahayd xag  siyaasadeed iyo xag  dhaqaaleba markii uu ahaa wasiirkii arimaha debada ee kooxdii Carta, Djibouti  lagu dhisay 2000. Xilagaas Somaliland waxa ay ku jirtay marxalado adag iyada oo  waliba boogihii, burburkii, murugadii , iyo xasuuqii sii muuqadaan. Somaliland cago adag  kumay taagnayn waxa laga soo kabanayay dagaaladii sookeeye iyo dagaal demplomasiyeed oo kaga socday dhan walba.
           Kooxdii Carta  waxa dhismaheeda ka dambeeyay dawladii Masar ee Xusni mubaarak iyo Jaamacadda Carabta oo danaynayay danahooda istraategiyeed/Geo-politics. Iyada oo Somalia ka mid ahayd Jaamacadda Carabta, sababta loogu daray Jaamacadda Carabtana ay ahayd danahaa istraatejiyeed/Geo-politics Carabta, ha ahaato danahii Masar ee wabiga nile-ka ee ay isku hayeen Ethiopia iyo dhaqaaleba.
      Marka laga yimaado Masar  Waxa iyaduna qayb libaax kaga jirtay sidii Somaliland loo fashilin lahaa Sacuudi Carabiya oo dhoofka xoolaha ee Somaliland ku xidhnaa, laf dhabarna u ahayd dhaqaalaha iyo nolosha dadka Somaliland. Isla dhawr bilood dismihii Carta ka dib Sacuudigu si loo mijo xaabiyo Somaliland waxa uu joojiyay dhoofkii xoolaha iyada oo loo sababeeyay cadurka Rift valley. Sida la tuhmayo waxa la yidhaa waxa ka dambeeyay joojinta dhoofka xoolaha Mr. Buubaa oy isku fiicnayeen Sacuudiga, markaana ahaa wasiirkii Arimaha dibadda ee Kooxda Carta.
       Artani waxa kale oo ay keentay in Somaliland xag siyaasadeed iyo xag dhaqaaleba lagala dagaalamo iyada oo la adeegasnayo af iyo adinba.Buubaa  waxa uu ka mid aha ragii ugu afka dheeraa ee ay adeegsan jirtay kooxdii Carta marka laga hadlayo qadiyadda Somaliland ha ahaato BBC ama idaacado kaleba, waxa uu si cad uga soo horjeeday qadiyadda Somaliland ugana doodi jiray marka uu ka hadlayo qadiyadda Somaliland.
           Markii la joojiyay dhoofkii xoolaha ee Somalida ayaa waxa waraystay maalin Buubaa Xasan Cade oo ka shaqayn jiray idaacad la odhan jiray Horn of Afrika oo ku taalay Xamar, oo la xidhay  markii uu Cabdilaahi Yusuf AHU qabsady Xamar, taas oo keentay in wariyeyaal badan ka yacaan Xamar. Xasan Cade waxa uu imika ka  shaqeeya idaacadda Universal/Kalsan?
         Xasan waxa uu waydiiyay Buubaa dhoofka xoolaha ee laga  joojiyay Somaliland iyo Somalia-ba marka la furayo?
    Buubaa waxa uu ku jawaabay waa la furayaa dhoofka xoolaha, waxse dhoofi kara ama la diri karaa oo qudha XOOLAHA HAYSTA SHAABADDA Somalia, taas oo uga jeeday in xoolaha Somaliland aan la dhoofin karin  inta aanay lahayn shaabadda dhoofka Somalia.
     Maatana waraysi uu bixiyay waxa uu Buubaa yidhi Somaliland waxa ay ku jirtaa go’doon , waa in ay la jaan qaadaa isbadalada ka socda Geeska Afrika.
     Sida cad Somaliland way ka mid tahay isbadalka ka socda Geeska, waxa ay qayb libaax ka tahay Geo-politics ka socda Geeska waxa Somaliland indhihii addunka ku soo jeediyay DP World oo uu dhaliilo Buubaa. Isbadlka ka socda Ethiopia waa in ay sugtaa kolba sida uu u saameeyo, inkasta oo sida ay wax uga socdaan Ethiopia aanay wax dhib ah u keenayan Somaliland, faa’iido mooyee. Xagga Qadiyadda Somaliland Ethiopia way ka dharagsantahay oo ma aha wax ku cusub, sideedana waa loo wajihi marka ay timaad.
       Buubaa waxa uu ka soo noqday shalay 2016/2017 Somalia, markii uu ka soo dhamaystay danihiisii ama uu ogaaday in aanay meesha wax dambe u ool ama xil loo doorto aanu jirin. Haddii ay Buubaa cafisay Somaliland waa in uu iska ilaaliyaa dhaliisha siyaasadda Somliland, maxa yeelay meel ugama banaana marka la eego halka uu ka  taagnaa Somliland markii ay taagta darnayd , ee kali taliye yeyaashii wadama Carbeed u tashadeen.
Mohamud Aaden Samatar

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker