Dal xadhig iyo ganaax lacageed isugu daraya ragga timaha dabta

Xoghayah guud ee wasaaradda dhaqanka iyo hidaha ee Zanzibar, Dr. Omar Adam ayaa sheegay in ragga timaha dabta laga qaadi doono tallaabo sharci.

Waxaa uu sheegay in boolisku xabsiga u taxaabi doonaan dhamaan ragga ku nool Zanzibar ee tidcada tinta, lix bilood ayuu sheegay in la xukumi doono qofkaas, isla markaana lagu ganaaxi doonolacag gaaraysa hal milyan oo lacagta dalkaas ah

“Tani ma aha tallaabo uu aqbali doono guddiga loo xil saaray arrimaha dhaqanka, qofka doonaya inuu timaha dabtana, waa inuu soo gudbiyo codsi gaar ah,” ayuu yiri Dr. Omar.

Waxaa uu sheegay in dhalinyaro badan oo ku nool jaasiraddaasi Zanzibar ay badankood dabtaan timaha, taas oo ka baxsan dhaqanka dadka halkaas daga.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker