Ilayn Talo Isuma Kaa Sheegto Halkay Tuur ka Leeday..Q.2aad

Qormadii hore waxan ku iftiimiyay tabashada shacabka ee soo jiitamay-say 27 sanno ahna caddaalad darrada haykal-ka dhismaha dawlada(Fulinta,2da Gole baarlamanka iyo Garsoorka)iyo qaabka dhismeedka aan soo bandhigay oo aan u arko inuu shacabka qancin lahaa.
Qormadana waxaan ku lafo guri doonaa tabashada shacabku ay u haraadan yihiin in laga gudbo sad-bursiga,hayska,eexda beelaysan ee ay Fulintu ku dhisan tahay 27 sanno, loona gudbo qaab ku dhisan caddaalad iyo sinnaansho.Bal hada aan soo qaato sinnaanshaha.
Sinnaanshaha Fulinta:
Tan iyo intii dalkani la soo noqday madaxbanaanida waxaynu ognahay madaxweyna-yaashii iyo kuxigeenadoodii soo hogaamiyay dalka inaanay marnaba ku guulaysan oo aanay soo dhisin Gole wasiiro oo isu dheeli tiran.Tabashada shacabkuna mar walba way soo jirtay ilaa golaha wasiirada maanta jira ee ay soo dhiseen madaxweyne Muse iyo kuxigeen kiisa Saylaci.Hab kani waxuu mar ba marka ka danbaysa xooji naayay qawadaada ay beelahu ka qabaan isu dheeli tirnaan la’aanta lagu soo dhisay golaha wasiirada.Waxaana ka dhashay inay beelaha qaar kood u arkaan inaan loo sinnayn talada iyo hogaaminta dalka.Halkaana waxaa ku wiiqmay sinnaansha iyo midnimada shacabka oo filaayay rajana ka qabay inay beelahu badi iska arkaan muraayada dhismaha wasiirada waxaana furfurmay kalsoonidii lagu qabay cidii loo doortay hogaaminta dalka,waxaana si dadban u kala fogaaday beelaha JSL,waxaanay tani keentay dil-dilaac saameeyay midnimadii shacabka.Markaynu arrimahaa bidhaamino waxa inoo muuqanaya qabyaaladii inay xadhkaha goosatay kana kor martay kobcintii dimuqraadiyada,loona sii jan jeedho hab beeleed kii laga soo gudbay.
Si looga baxo haykalkan xukuumadu u dhisan tahay ee dhinaca ka raran,loona helo xukuumad isu miisaaman oo loo siman yahay,waxaan ku talinayaa isku shaan dhaynta ku xigi doonta tan dhiciska ah ee haatan uu madaxweyne muse iyo saylaci isku cel-celiyeen uun golahii jiray:
1.Golaha wasiirada iyo kuxigeenadu waxuu ka kooban yahay 34 xubnood.Siday u qayb samaana waa 23 xubnood waxay ka soo jeedaan beesha Isaaq,11na waxay ka soo jeedaan beelaha kale.Qaab dhismeed kani waxuu cadday nayaa inaan hogaaminta dalka loo sinnayn oo beel keli ahi isku koob tay.Hadaba si loo helo xukuumad isu dheeli tiran waa:
a)in 11 xubnood noqdaan isaaq.
b)in 23 xubnood noqdaan beelaha kale.
Qaab dhismeed kani waxuu u baahan yahay geesinimo,ku dhac iyo daacadnimo si loo helo sinnaansho,loona soo celiyo midnimada iyo kalsoonida shacabka,waxaana saldhigaya caddaalada lagu hogaamiyo dalkan jsl.
ilayn talo isuma kaa sheegto halkay tuur ka leeday.
La soco qaybaha danbe…
Xuseen Xasan Badmaax
Hargeysa/JSL
badmah100@hotmail.com

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker