Xukuumadda Somalia Waxay ay Qalbi dhagax iyo Dakadaha ugu wareejisay Ethiopia, si ay u kasbato taageerada Ethiopia

Dawladda taagta daran ee Somalia ee ay ilaaliyaan ciidamada AMISOM, ayaa sababta u wayn ee loo doortay  Farmaajo ay ahayd sidii Gen. Gabre iyo Safaaradda Ethiopia looga saari lahaa Vila Somalia, isla markaana faraglinta Ethiopia ee siyaasada Somalia loo joojin lahaa. Farmaajo waxa ka mid ahaa olalihiisii soo celinta  karaamadii ay laahaan jirtay Somalia.

        Ethiopia waxa ay  gashay Xamar July 20,  2006-kii iyada oo taankiyo ku galbinaysa Cabdilaahi Yusuf AHUN oo ahaa horjoogihii  xukuumaddii Imbagaati ee lagu dhisay Kenya,  Cabdilaahi Yusuf oo ay xukuumaddisu dibad joog ka ahayd Xamar , ayay saldhig u ahaayeen magaalooyinka  Baydhaba iyo Jawhar. Ciidamadii Ethiopia waxa ay ka saareen Xamar maxaakiimtii oo markaa ka talin jirtay, kadib markii ay Maxaakiimtu ka saareen Xamar Dagaal Oogayaashii markaa haystay.
    Sababta u wayn ee ay Ethiopia u taageertay Cabdilaahi Yusuf iyo xukuumadiisii ka koobnayd dagaal oogayaashii Somalia , ayaa ahayd sidii gacan bir ah iyo xukun militari Somalia loogu soo celin lahaa, Xukuumadaas oo ka amar qadata Ethiopia, taas oo kentay in June 6, 2007 si kadis Meles Zenawi ku tago Xamar oo ay ciidamadiisu ku ilaalinayeen Xukuumaddi Cabdilahi Yusuf, arintan oo iyaduna keentay in 30 sano kadib Xamar laga furo  Safaaridii Ethiopia.
   Arinta kale ee ay Ethiopia u doonasay in Somalia laga hirgaliyo Talis Military oo gacan bira ku qabto ayaa ahyad, sidii loo  afjari lahaa joogitaankii Jabahadihii ONLF iyo OLF oo ay saldhig u ahayd Xamar laga bilaabo dawladii Carta oo iyadu aan xidhiidh fiican la lahayn Ethiopia islamarkaana ka dhawaajin jiray  rabitaanka Somaliweyn. Ethiopia may kala garanayn sida ay beelaha Somalia isku hayaan ama colaadda ka dhexaysa, gaar ahaan taageerada uu Cabdilaahi Yusuf ku lahaa Xamar.
    Ethiopia waxa kaliya ee danaynasay waxa ay ahayd danteeda oo ahayd in daganaansho iyo dawlad ka amar qadataa ay ka hirgasho Xamar/Somalia si ay uga bad baado jabhadihii saldhigga ku laaha Xamar. Ethiopia  umay suurta galin arintaasi maxaa yeelay Cabdilaahi Yusuf waxa u watay isna qorshe kale oo ahaa ka aargoosi Beesha Habar-gidir oo dagaal ku dhexmaray Gal-kacayo isaga iyo Gen Caydii AHUN labadoodba. Taas oo keentay in Beesha Habar gidir kacdonn xoogle kala hortagtay  ciidamadii Ethiopia oo ay taageerayeen maleeshiya beleedda Puntlanad, Cali Jeele iyo maleeshiya beeleed Abgaal ah oo iyakuna islahaa ka aargoosta Habar Gidir.Kacdoonkii ay Beesha Habar Gidir iyo qaybo ka mida beelaha Abgaal kala hortagtay Ethiopia iyo Cabdilaahi Yusuf ayaa waxa ay keentay in la  doorto madaxwayne ka soo jeeda Banaadir ama Hawiye Cabdilaahi Yusuf iyo Ethiopiana ka baxaan Xamar. Taas oo keentay in Ethiopia kala barato colaada ka dhaxaysa beelaha Somalia ee ay keentay xukuumaddi Siyaad Barre.
       Cabdilaahi Yusuf oo fursad u helay in uu nabeedyo Somalia ayaa shaqadiisu isu badashay aargoosi iyo kibir, iyo bahdilaadda beesha Hawiye. Cabdilaahi Yusuf iyo Morgan oo ahaa la taliyihiisa sirdoonka ayaa waxa ay  khaarajiyeen siyaasiyiin iyo waxgard badan oo ka soo jeedday beesha Habar Gidir. Waxa ay si jees jees ah Cabdilaahi Yusuf iyo Morgan u baadheen guryihii Cismaan Caato iyo madaxwayne Cabdi Qaasim iyada oo sabab loo dhiganayo hub ka baadhis.
     Maanta dawladda Farmaajo waxa ay ka wadaa Xamar hirgalinta xukun milatari oo kali talis ah iyo  aargoosi la mida kii Cabdilaahi Yusuf ka fuliyay Xamar. Dawladda Farmaajo waxa ay ka samaysatay sirdoon, NISA oo uu hogaamiyo Fahad Yaassin,oo  la mid ah NSS-tii Siyaad Barre iyo ciidamo si gaar ah u tababaran oo laaya wixii mucarid ku ah taliskiisa, dhaqankan Taliska Farmaajo ayaa waxa ay keentay  in dimoqraadiyad iyo mucaaridnimo Banaadir ugu dambaysay Xukuumaddii Xasan Sheekh.
     Waxa ay maalin cad NISA dishay ilaaladii Cabdishakuur markii ay werareen aqalkiisa , oo ay ku tuhun sanaayeen hub iyo lacag, Waxa kale oo maalin cad  ay weerareen gurigii Qayb Diid, iyada oo sabab looga dhigay waxa ka danmbeeyay  UAE, Qaybdiid iyo Cabdishakuur waxa ay labaduba ka soo jeedaan beesha Habar Gidir.
       Waxa kale oo ay Xukuumadda ka talisaa Xamar bilawaday in ay meesha ka saarto Dawlad Goboleedyada iyo habka Federaalka, hore waxa ay u riday Madaxwaynihii Hirshabeeli, Jimcaale, waxa ay iska horkeentay hogaamiyeyaasha Gal-mudug, waxa ay qorshasay mucaarid ka dhan ah  Axmad Madoobe oo ka saara Juba-land, Koonfur Galbeed waxa aad mooda in ay u gacan gashay doorashadii Afhayeenka Baarlaanka ka dib. Waxa kale oo taliska Xamar la wareegay ama gacanta ku  dhigay baarlamaan ku sheegii Somalia musuqmaasuq, kala iibsi iyo caga juglayn  iyo cabsi la galiyay intii la xisaabtami lahayd. Ka hadalkii meeqaamka Xamar iyo Banaadir  meesha wuu ka baxay cabsi gashay shacabkii Xamar awgeed.
        Si ay u kasbato dhaga nuglaanta Ethiopia ugana dhawaato Dawlad Goboleedyada,  waxa taliska Farmaajo u gacan galiyay Ethiopia Qalbi dhagax oo kamid ahaa ciidamadii Xooga Dalka Somlia, markii ay Somalia burburtayna noqday ONLF.
       Todobaad ka hor waxa ay xukuumadda ka talisaa Xamar u balan qaaday PM cusub ee Ethiopia, Abiy Ahmed afar dakadood, si ay uga badiso ama uga horayso inta aanu la xidhiidhiin madaaxda dawlad Goboleedyada oo caqabad ku ahaa xidhiidhka Ethiopia iyo Taliska Xamar.
       Waxa se iswaydiin leh, kali talisnimadan ay ku taamayso Xukuumdda Khayre, PM Abiy oo qorshahiisu yayhay  cadaalad, dimoqraadi iyo sinaan ma ku badalanayaa xidhiidhka Somalia iyo Ethiopia afar dakadood, mise waa taliska Xamaraw gabal kuu dhac.
        Mohamud Aaden Samatar

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker