Waxaan soo dhaweeyay Ninkii dilay Aabahay, Waanaan Cafiyay

Candice Mama markii ay 9 sano jir aheyd, waxay si qarsoodi ah u akhrisay buug ay hooyadeed ka qarin jirtay- buuggaas oo u horseeday inay wax ka ogaato dilkii loo geystay aabaheed

Sanado kaddib Candice Mama waxay la kulantay isla markaana ay cafisay ninkii dilay Aabaheed kaas oo la yidhaahdo Eugene de Kock.

Gabadhan marka ay maqasho hees la odhan jiray ‘Gabadhii ka timid magaalada Soweto’ waxay ku reebi jirtay xusuus maadama aabaheed uu si weyn u jeclaa dhageysiga heestaas.

Aabaheed Glenack Masilo Mama wuxuu geeriyooday iyadoo 9 jir ah, waxay inta badan carruurnimadii kusoo qaadatay ka fakarka aabaheed.

Candice waxay ku dhalatay dalka Koonfur Afrika sanadkii 1991-dii, xilliggaas uu dalkan ka jiray nidaamkii ku saleysnaa midab-takoorka, kaas oo ku dhisnaa cunsuriyad iyo faquuq walow markii dambe meesha uu ka

Hooyadeed, Sandra, waxay kasoo jeeday qabaa”il kala duwan oo dega halkaas, halka aabaheed Glenack uu ahaa nin madow ah oo ka tirsanaa dhaqdhaqaaqii ka shaqeyn jiray danaha dadka Afrikaanka ah

Ee kasoo horjeeday midab takoorka balse waxay ka hor imaadsanaayen mabaadii’da Ururkii ANC ee ahaa in dhammaan dadka ku nool Koonfur Afrika xuquuqdooda la simo.

Candice waxay inta badan ogeyd in aabaheed la dilay, xita waxay ogeyd ninkii dilka u geystay aabaheed oo la yirhaado Eugene de Kock,

Kaas oo ka tirsanaa boolis gaar ah oo loo xil saaray jirddilka iyo dilka ka dhanka ah dadkii kasoo horjeeday nidaamkii midab-takoorka.

Hooyadeed waxaa guriga u yaallay buug ka sheekeynayay dhibaatadii iyo murugadii ka dhalatay dadkii lagu dilay Koonfur Afrika xilliggii nidaamkii ku saleysnaa midab takoorka, buuggaas waxaa akhrin jiray dadka soo booqda gurigooda, marka ay akhriyaana wey ilimeyn jiray.

“Marka aan fursad ku helo buugan waan in aan akhriyaa oo aan eegaa”

Toddobaad kaddib markii Candice hooyadeed ay banaanka aaday, waxaa gabadhan u suurogshay inay laacdo buugga oo meel sare saarnaa, buuggaas oo hooyadeed ay ka qarin jirtay.

Waxay furtay buugga, waxay sheegtay inay ku aragtay sawirro muujinaya meydad gubtay- waxaana kamid ahaa meydka aabaheed oo ku dhex jira baabuur xilliggaas oo uu kaxeynayay baabuurkaas.

“Markiiba waxaa maskaxdeyda kusoo dhacay in sawirka uu yahay aabahey, sidan ayuu u dhintay, [Eugene de Kock] waa ninka dilay, marka waxaan ogaaday waxa aan sameeyay in uu ahaa khalad maadam la ii ogoleyn in aan akhriyo buugga

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker