Sida Looga faa’iidaysto uun Baa Jaangoysa Nolosheena Dhabta ah.

Qof kasta oo maanta nool in maalin la aasayo oo naftiisu adduunkan ka huleelaysaa waa mid la hubo. Meesha naftaasi degsiimo ka dhiganaysana lama hubo wanaag iyo kadeed waxa ka sii horreeya. Kaba sii darane, naftu intay adduunkan ku nooshay waxay leedahay rajooyin ah in nolosha ka samayso horumar nafeed, dhaqaale, iyo sumcad. Taas liddigeedana unug kasta oo go’aamiya in naftani soo noolaataana waxa uu ku sii siqayaa in uu hawlgab noqdo oo shaqadiisii yaraayo(degenerative period).
Naftan waxaa ku xeeran mucjisooyin jaangoynaya cidda ay u uumantahay iyo sababta ay u uumantahay. Ilbidhiqsi kasta unugyada maskaxda ee wax dareema, iyo shanta dareeme ee qofku waxay la kulmayaan weelaynta is-beddelada ka jira deegaankan. Xubinkastaa iskeed bay u madaxbanaantahay una dhuganaysaa mucjisooyinka kawnkan. Waxaa sida dawanka qofkasta ka dul sanaadhaya 24-saac oo midiba waayaheeda wadato. Ilbidhiqsi kastaana waxa uu ku fadhiyaa qiimo aan ka nooli qiyaasi karin. Haddii ka markaas arlada ka faaruqaya jaanis loo heeli lahaa in wax laga wayddiiyana waxa uu ku soo gunaanadi lahaa ilbidhiqsi keliya  immika haddaan jaanis helo waxaan  beddeli lahaa noloshayda iyo geeddigan aad aragtaan in aan maanta ku sii jiro.
Sidoo kale, qiimaha ilbidhiqsi kasta waxaa garankara uun qof inta lagu yidhi xubnahaagii way hawlgabeen, xanuunkaagu rajo malaha, cimrigaaguna wuu dheeraaday ee maxaa talo ah? Balse, aan haleel iyo awood u lahayn in uu si qummaatiya uga faa’iidaysto ilbidhiqsi kasta oo sida dawanka ka dul dananaaya. Waxa uu ciirsi ka dhiganayaa ii duceeya, i saamaxa iyo in uu maskaxdiisa ku shuqliyo goorta naftiisan lagu qaadi doono ama laga rafcin doono aduunyadan uu beryo ku soo caano maalay, balse, maanta uu arkay in ay ugu abaalgudday in uu kaga rawaxo werwer iyo deganaanshiyo la’aan aanu is hubin.
Ugu danbayn, nafta bani-aadamka ma jaangooyo da’da, deegaanka iyo kolba badhaadhaha uu ku jiraa, ee waxa jaangooya deganaanshaha naftiisa, ka faa’iidaysiga qumman ee 24-saac, iyo xusuusta ka dhexaysa unugyada maskaxdiisa iyo shantiisa dareeme. Tusaale: qof muslinka ah oo ilbidhiqsi kasta kaga faa’iidaysta hawlahiisa aakhiro iyo adduunyaba–waxaa hubaala in  unugyadiisa maskaxdu si’ joogta ah u helayaan dhambaallo si xidhiidha ula falgelaaya dareemayaashiisa. Dhambaaladaas naxariista ah oo si’ joogta ah oo aan kale go’lahayn uga soo tifiq leh samaawaatka iyo jihada sare. Waxay horseed u noqonaysaa in naftiisu maalmo ama saacado ku noolaato badhadhe iyo werwer la’aan. Tanina waxay sii xoojismaysaa jeeroo ay badato xidhiidhka ka dhexeeya shanta dareeme iyo habka dareen wadka maskaxda iyo mucjisooyinka tilmaamaya cidda kawnkan maamulkeeda iyo tasarufkeeda iska leh, ilbidhiqsi kastana laga nawilo badbaado iyo naxariis taabba gala oo aan kale go’ lahayn.
Sadam Osman Kaabash.
Fekerka aqoonyahanka
Hargeisa, Somaliland.
Degmada: Maxamed Mooge.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker