Markab Cunto dhacday Sida oo Hayada WFP u dirtay Soomaaliya,kuna sii jeeda Dekedaha Muqdisho & Berbera

Sida ilo xogogaal ahi Warbaahnta u xaqiijiyeen Markab kuwa shixnadaha qaada oo sida ilaa dhawr kun oo metric ton oo Cunto Deeq ah hase yeeshee waqtigeedii dhacay balse Hayada WFP u qoondeysay inay u qaybiso goobaha baahidu ka jirto ee Soomaaliya ayaa dhawaan ka soo anbabaxay dekedda Mombasa ee dalka Kenya.  Waxaana Ilaha aanu xogta ka helay intaas ku dareen ama noo xaqiijiyeenba in Markabkaasi ku soo jeedo Dekedaha Muqdisho & Boosaaso, inkastoo warar kalena tibaxayaan inu Berbera ku danbeyn doono.

Cuntada Markabkani sido oo dhacday “Xumaatey” ayaa la ogaaday  inay WFP ugu talogashay inay ku gargaarto ilaa sodomeeyo kun oo qof oo Soomaali ah oo ku kala filiqsan Kaamam Barakacayaal oo ku yaala dalka Gudihiisa oo ay soo wajahaday Cunto yaraan iyo Nafaqodaro.

Cuntadan Markabkani sido ayaa la sheegay in hore loogu diray Dhawr Dal oo kale oo Afrikaana oo xaalad cunto yaraan ahi soo waajahday, hase yeeshee ay diideen in laga dejiyo Markabka kadib markii ay ka war heleen in cuntadan waqtigii la cuni lahaa la dhaafay oo ay keenayso halis caafimaad oo balaadhan.  Cuntadaas oo muddo badan hay’adda ay dhibaato ka haysatay meeshii ay geyn lahayd ayaa ugu danbayntii  Saraakiisha Hayada WFP ku taliyeen in loo diro Cuntadan Dhacday Soomaaliya, maadaba aaney waxba diidin, islamarkaana aaney halkaa ka jirin Hay’ado ilaaliya Tayada Cuntada waddanka soo gasha.

Geesta kalena waxay xoggaha Warbaahintu loo soo dusiyey intaas ku darayaan in Markabka Cuntada WPF Sida saaran yihin koox Caafimaad oo ku takhasusay buufinta cuntada Dhacday  si aanay ugu dhalan Cayayaan & Xansharaad Mudada ay cuntadu markabka Dulsaaran tahay,  maadaba ay dhacday, taas oo kelifaysay in maalin walba Cuntada qayb kamid ah la buufiyo

Guntii iyo Gunaanadkii sida Warbaahintu ogaatey Hay’ada WFP waxaa u qorsheysan ama ka go’an inay cuntada dhacday ee markabka saaran kuna soo jeeda Soomaaliya ka dejiso Goobo (Dekedo ) aan lahayn Hay’ado baadha Tayada Cuntada oo aan fashilin inay cuntada dhacday. Cuntadan dhacday ee loosoo diray Soomaaliya ayaa latuhunsan yahay inaysan ahayn markii ugu horeeyay maadaama muddo dheer aanay waddanka ka jirin hay’ado dawladeed oo waxtar leh oo ilaaliya tayada cuntooyinka waddanka soo gelaya.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker