Muuse Biixi Iyo Talada Dalka HANTIWADAAGA AADAN SIIRO IYO HANTIGOOSADKA WADAADADA (Qaybtii 78aad) Qore : Maxamed Xoosh

Taariikhiyan iyo sooyaalka dunida dadka Caamadda ah wey ku adkayd kala garashada jidka leexsan iyo ka toosan WAA ayo qofka wadankan xaq ku leh oo halgan usoo galay iyo qofka ka soo horjeeday imika laftigeedana dibindaabyo ku haya.
Hantiwadaagu waa dadka oo wax wada-yeesha iyo lacagta oo aan ku ururin dad yar iyadoo intii kale baahan tahay kaabayaashii dhaqaaluhuna dayac yihiin, dawladaha ugu qanisan dunidu Hantiwadaag Iyo Hantigoosadba waxay ka siman yihiin Qiyamka ah in dadka la isku hayo oo aanay kala fogaan
Sh. Aadan X.Maxamuud Xirsi “Aadan Siiro” Waa wadaadka Keliya ee u taagan in bulshadu hesho hantiwadaag dhab ah waa aragti ka soo jeeda DIINTEENA XANIIFKA AH oo u soo degtay sidii dadka loogu Cadaalad fali lahaa, Waa aragtida uu kaga duwan yahay dad badan oo daneeya arimaha bulshada iyo siyaasadda
Wadaadda kale waxay qaateen HANTIGOOSADKA garabkiisa ugu fog ama loo yaqaan “Hantigoosadka Bahaloobay” oo aaminsan qofna qof kale yaanu u naxariisan, Xeelad waloo aad wax ku helayso samee , dawladda hadii cashuurta laga dhuuman karto dhib kuma jirto , in Monopoly oo la xuurtaysto ganacsiga iyo hantidda umaddu wada leedahay ……..
Wey kala duwan tahay inaad dadka ku WACDIYO WANAAG IYO INAAN WANAAG KAA ARKO
Habdhaqankaaga ayaa muujinaya aragtida aad nolosha ka aaminsantahay sidaad wax u wado
Soomaalidu waxay tidhaa “Waano Dhalan Ayaa Ka Adag” Rag badan oo wadaadda ah kama aha xumaan in ay bulshada ula dhaqmaan sidan oo kale LAAKIIN waa ka dhalan iyo duruufo adag oo ay ku soo koreen oo aan xasuustooda ka bixin RAGA qaarkood waa ka badheedh lagula kacaayo dadka iyo dalka
Waajibku yuu saaran yahay ? waajibka ugu badan wuxuu saaran yahay Xukuumadda markaa xilka haysa ama inta sheeganaysa indheergarad arimaha bulshada danaysa
Inkaarta Siyaasiga Somaliland u dhashay haystaa waa JAHLI xad-dhaaf ah oo ka haysa Aqoonta Siyaasadda iyo Arimaha Bulshada waxaa u raacay dadka qaarkood oo siyaasadda u soo gala hanti ka hel
Madaxweyne Muuse Biixi waxa duuban khudbadihii Ololaha ku galay “Dhici mayso in dadku kala fogaadaan…….. Dawladdu gacanta waxba uguma jiraan ,Koronto, Baanan, Isgaadhsiin, Sarif ,Batrool,Raashinkii, tacliintii , caafimaadkii …. Wixiiba waxa sharkado gaar ah ayaa yeeshay dalna sidaa kuma dhismo , Ubadkan qalqaaliga ah ee laga cabanaayo waxaa u xal ah in dhaqaale loo helo Madheeri se xal noqon mayo” Hadaladaa soo dhan wuxuu ku hadlaayay WADAADO GANACSATO AH, Muuse Waaqica yaal Somaliland waa ka indheergarad iyo oday war ma seegana
Waxaase u malaynayaa hadalka iyo fulintu wey kala adag yihiin weli waan ku rajo weynahay in wax laga qaban karo baahiyaha bulshada haba yaraatee
EID MUBAARAK
Maxamed Xoosh

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker