Hambalyo Meher Wacan Oo Ku Socota Lamaanaha Isdoortay Ee Cabdi Qaadir Xaashi Maxamed Iyo Marwadiisa Nimco Saleebaan Cali Kooshin

Xaflad Meher ah  oo Si Heer Saro Ah Loo Soo Agaasimay  Luugu Soo Geed Fadhiistay Mid Ka Eheladda Suldaanka Guud ee Ciise Muuse Suldaan Cismaan Cali Kooshin ,isla markaana kulmiyey holdoorka wadanka,laguna soo doonay Marwo Marwo  Nimco Saleebaan Cali Kooshin

Xafladdan oo ka dhacday Maanta Oo Taariikhdu Tahay 9/09/2018 Huteel  Maansoor ee Magaaladda Hargeysa,isla markaana ahayd mid si heer sare ah loo soo Agaasimay kana soo qayb galeen masuuliyiin fara badan oo iskugu jirta siyaasiin,Salaadiin,hogaamiye dhaqameedyo iyo,Salaadiin,Madax-dhaqameedka-Cuqaasha,Waxgaradka,  dhalinyarada,aqoonyahanka iyo Dhamaanba Haldoorka kala guursaday.

Ayaa Waxa ka Soo Qayb Galay Suldaanka Guud ee Ciise Muuse Suldaan Cismaan Cali KooshinGuddoomiyaha Maxkamadda Sare Dalka Garyaqaan Aadan X Cali Ganacsade Farxaan X Cali Ganacsade Farxaan liibaan Xildhibaan Maxamuud jaaamac X Cilmi Dable Agaasimaha Guud ee warfaafinta Mudane Maxamed Aadan Ilkacase Axmed Macalin Maxamuud Cali Cabdi Jaamaca Sacad Cabdi Jaamac Mustafe Cali Yuusuf  qaar ka mid ah hal-doorka labada dhinac ee kala guursaday

Waxaana Sidii Soomalidu ku Caan baxday, kuna Qotontay Diinteena Suuban, si Gacltooyo iyo kala raali ahaansho ay ku dheehan tahay laysu waydiistay laysuna siiyey lamaanaha  is doortay Isla markaana  Gacmaha laysku dhaafsaday laguna kala Gudoomay, sidii Caadadu ahayd Sooryo Qaran iyo Gabaati Gobeed.

Xildhibaan Cabdale Sandheer oo xafladaasi ka haday ayaa hadalo soo dhawayn ku qaabilay dhinacyada kala gudoomayey reerka cusub,waxaana uu hadalo Duco iyo Dardaaran iskugu jira halkaasi uga jeediyey qoysaska cusub ee is guursaday,waxaana uu tilmaamay in Yaasmiin daah fur u tahay dhinac guurka hablaha maxaa yeelay wal xaga raga ayuunbaa nagu badnaan jiray.

 “Runtii waxaan halkan doonayaa inaan ka hambalyeeyo,isla markaana uga Duceeyo xafladda meherka Nimco Saleebaan Cali Kooshin  oo  ka mid ah Haweenka Dhakaatiirta Caafimaadka Somaliland, oo maanta loo fadhiyo doonisteeda  ayaa waxaan ILLAAHAY uga baryayaa inuu ka dhigo reerkii lagu nasto ee lagu nagaado ubad khayr qabana kala hela,

 “Waxaana aan jecelahay inaan mid xasuusiyo qoladda nala soo xididay ee ninta naga doonaysa una sheegayaa Nimco  waa qof aad noogu wayn oo nagu qaali ah markaa waxaanu kaa codsanaynaa inaad  ilaaliso oo aad si wanaagsan u dhaqdo

Dhanka kale waxa isaguna halkaasi hadal kaftan iyo duco ah ka jeediyey munaasibadaasi  meherka  ah Madax-dhaqameedka qaraabadda kala guursatay

Madashan  laysku gu Guurinaayey lamaaanahan is is Calmaday oo ahayd mid qaab-maamuuskeedu aad u qurux badnaa ayaa waxa Masuuliyiintii iyo marti saraftii tirade badnayd ee meesha iskugu timi ay si siman ugu Hambalyeeyeen,uguna duceeyeen Qoyska cusub ee soo kordhay  Boqorka Cabdi Qaadir Xaashi Maxamed Iyo Marwadiisa Nimco Saleebaan Cali Kooshin Gabagabadii waxay Alle uga baryeen inay Guul ka gaadhaan Hadafkooda Nololeed kuwii ku noolaada farxad,Guul iyo barwaaqo Ubad kheyr-qabana kala hela, gurigii lagu nastee lagu nagu nagaado Raboow ka yeel. Ameen

Geesta Kalena waxa Salaan taasi la mid ah hawadda u mariyey Dhammaan Qoska reer Saleebaan Cali Kooshin oo kala ha Hooyo Safiya Ciise Bare Maxamed Saleebaan Cali Kooshin Faadumo Saleebaan Cali Kooshin Axmed Saleebaan Cali Kooshin iyo dhammaan reer Cali Kooshin

Axmed Maxamuud Cismaan

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker