Man United Oo Laga Yaabo Iney Bisha January Ogolaato Qorshe La Isku Dhaafsanayo Paul Pogba & Gareth Bale.

Manchester United ayaa lagu soo warramayaa iney isha ku heyso hirgalinta heshiis lagu kala badalanayo Paul Pogba iyo Gareth Bale marka la gaadho bisha January sida ay sheegayaan warbixino ka imaanaya Ingiriiska.

 

Xiddiga reer Wales wuxuu ku dhawaaday inuu xagaagii laga soo gudbay ku biiro kooxda Shiinaha ka dhisan ee Jiangsu Suning, balse saacadahii ugu dambeeyay Los Blancos ayaa isaga baxday heshiiska labada dhinac.

 

Dhinaca kale Paul Pogba wuxuu sheegay xagaagii laga soo gudbay inuu Tartan cusub isha ku hayo, waxaana si weyn loola Xidhiidhyay Real Madrid maadaama uu halkaas joogo Zinedine Zidane, labadaan shaqsi ayaana si weyn isku aaminsan marka ay noqoto ixtiraamka kubadda cagta.

 

Wargeyska The Sun ayaa ka dhawaajiyay in heshiiska kala badalashada labada xiddig uu dhici karo bilowga January, waxaana la fahamsan yahay in Madrid ay mar walba soo hadal qaadi doonto arrinta Paul Pogba hadiiba United ay soo damacdo Bale.

 

Los Blancos ayaa goor hore u gudbisay dalab aan caadi aheyn Red Devils, waxeyna miiska u saartay 27.4 Malyan oo Pound iyo James Rodriguez, balse kooxda ka dhisan Old Trafford wey diiday.

Zidane kama quusan wali Paul Pogba, halka Bale uu doonayo inuu isaga guuro Bernabeu.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker