Isbarbardhiga EU ay dawladda UK (Brexit) uga bixi rabto iyo Somaliland oo ka go-day somalia,

“Brexit-ku malahayga, waa u Tusaale Somaliland” hadalkaa waxaa yidhi Yusuf garaad
Mawduucan waxaa furay #YusufGaraad Wasiirkii hore ee arimaha dibadda soomaaliya, is afgarasho la aanta 30 sanno jira ayay ka mid tahay in aynu wax kasta isu qooshno,ummad garnaqsan karta oo bisil sharcina ku kala bixi karta hadii aynu nahay bari hore ayaa Somaliland ictiraaf heli lahayd.

Isbarbardhiga EU ay dawladda UK (Brexit) uga bixi rabto iyo Somaliland oo ka go-day somalia,
Ma xuma oo wadiiqadu waa isku hiraal iyo hiigsi isu mid ah ninbaa yidhi sheekada maan diidine xaaqdaa danbe ayaan diiday, Ex wasiirkii hore arimaha dibadda Somalia Yuusuf garaad waxaan diiday maadaama uu ahaa Wasiiradii ugu tunka waynaa dawladda haatan joogta ee Farmaajo, in uu fududaystoo hawsha uu ogyahay halka ay marayso,
Waa mida kowaade Aduunkan tagay waxay ku heshiiyaan heshiisyo diplomaasi oo labada dhinacba faaiido uleh (win,win),heshiisyadaasi waa seeska isku haya jiritaankooda,waa dad sharciga iyo qaanuunka ka danbeeya,oo ay adagtahay inay si fudud uga baxaan heshiis hadii guuldaro ay ku tahayna.
Somaliland 27 sanno waxay ahayd dawlad leh, calan,ciidan,iyo golayaal sharci,waxaa dalka ka dhacay doorashooyin waaweyn shan madaxweyne ayaa xilka kulak ala wareegay, mudadaasi ma jirto cid dabada kaga timid caawimo dhaqaale iyo mid xoogba.
Somalia waxay 27 sanadood ku jireen xaalado amni darro oo malaayiin qof ku dhinteen Kooxo calashood ushaqaystayaal ama dayday ayaa mar dalka haysta,mar ururo argagixiso,mar dawlado ma dhalays ah oo lagu soo dhiso dalka dibadiisa,Dawladda Hassan sh maxamuud iyo Sh shariif ayaa bilaabay wadda hadallo ka dhan ah Dawladda Somaliland inay la yeeshaan.
Shirkii Turkey-ga Wadda hadaladii Somaliland iyo Somalia.
Shirkii Turkey-ga Ankara waxaa goobjoogayaal ka ahaa Laba madaxweyne Somalia & Somalia Ahmed siilaanyo & Hassan sheikh iyo madaxweynaha marti galiyay ee Madaxweyne Ordagan,waxaa lagu heshiiyay 7 qodob.
Wasiirka Arimaha Dibadda Abdilaahi omar ayaa warbixintan akhriyay waa kan :
Taariikhdu markay ahayd 13 bishii 4aad 2013
1- Laba geesood waxay ku heshiiyaan inay sii wadaan wadda hadallada
2- Waxay ogolaadeen heshiisyadii labadii kulan ee hore kasoo baxay midkii ka dhacay Chevining house ka iyo kii ka dhacay Magaalada dubai
3- Waxay labada geesood qeexeen in heshiisku u dhaxeeyo laba dawladood SOMALILAND IYO SOMALIA,iyo beesha caalamka oo markhaati ka ah
4- Waxay ku heshiiyeen in Somaliland lagala hawlgalo taageerana laga siiyo sidii kaalmooyinka iyo horumaro caalami ah uga samayn lahaayeen xidhiidhna ula samayn lahaayeen caalamka.
5- Iskaashiga xidhiidhka amniga Tababaradda,scholarships dibadda ku wajahan qaybaha amniga ku saabsan.
6- Kulan labaad 90 cisho ka bacdi kana dhaco dalka turkiga.
7- Isticmaalka erayo heshiisyada dhaawici kara
Heshiisyadda noocan ah ee la galay waa la jabiyay, waxaana jabiyay dawladda taagta daran ee Somalia.
1- Heshiiskii kaalmooyinka waxay dawladda farmaajo ku dhaqaaqday inay joojiso dhamaan wixii kaalmooyin Somaliland loogu talagalay
2- Heshiisyadii horumarka ee caalamiga ahaa waxay dawladda farmaajo iyo baarlamaankeeduba qaadeen talaabooyin khatar ku ah heshiiskii Dekadda berbera ee DPWORLD sida ku cad heshiiskna ay ahayd inay taageerto.
3- Maamulkii hawada oo lagu balamay in Somaliland lagu maamulo qalabkii iyo dhismihii iyo maamulidiiba Moqdisho ayaa laga dhigay.
EU isutaga dawladdaha yurub waxay ilaaliyaan qawaaniinta ay ku heshiiyeen,waliba waxaa taas dheer dawladdo ahaan waa dad isku dhigma oo leh wadanno dhisan oo dhaqaale leh.
Somaliland cid ajnabi ah oo gacan ku haysaa ma jirto nabadeedu iyagaa gacanta ku haysta xagga Somalia cid ay nabadeeda iyo dhaqaalaheedaba gacanta ku hayaan.
Dawladda Somalia malaha ma jirto awood maamul oo ay ku hayso dalka marka laga reebo dhawrka kilometer ee madaxtooyadu ka dhisan tahay .
Hadii aynaan been iskugu sheekaynayn maba taalo dood isu sii xidhaysa labada Wadan ee kala maamulka,dadka,tamarta duwan, aan se ka ahayn in la xaasido somaliland.
Waxaan intaas sii raacinayaa Buug uu qoray Josh Keating INVISSIBLE COUNTRIES ayaa wuxuu qeexayaa wadiiqada caalamku ugu aqoonsadaa dawlad oo marka loo eego xaqiiqada jirtana aan waafaqayn, Waxaa jira ayuu leeyahay Dawlad loo aqoonsaday dawlad oo aan u qalmin iyo dawlado aan la aqoonsan oo u qalma in loo aqoonsado dawlad.
Xisaabtu waxay ka xidhmi laadahay caalamka ayaa isku daawanaya
ALLA HA SAHLO.
W/qoray: Ahmedyasin Sh cumar Sh ahmed

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker