HADDII AANAD DOONEYN IN WAX LAGAA SHEEGO BAKHAAR ISKA FURO

Dhamaan waan salaamayaa akhistayaasha qiimah leh meel kasta oo ay joogaan,waxa kale oo aan salaamayaa bahda warbaahinta  Soomaalida
Qofku marka uu siyaaasadda soo dhexgalo wuxuu diyaar u ahaanayaa inuu kala kulmidoono waxyaábo fara badan  oo bulshaddaa uga yimaadda xumaan iyo samaanba isga oo aan wax mansab ahba heynin.
Marka xil loo magacaabana warkeedda iskaba daa  Madaxweyne ilaa wixii ka hooseeya.
Wasiir ummaded ayaan ahay  ama Madaxweyne  mana doonaayo in wax layga sheego marka  shaqadeyda la dhaliilo ,haddii wax layga sheegana  awoodeyda ayaan isticmaalayaa oo jeelka ayaan ku gurayaa.
Aniga oo dhawraya sharafta qofka muslinka  ama ka aan aheyna in shaqsiyadiisa wax laga sheego personality waan ka soo horjeedda . Haddana haddii uu ku fashilmo shaqadda uu dadka u hayey waxaa la tilmaamayaa shaqadii uu  hayey baylahdeeda dalkuna waa dimuqraati xoriyada hadalka iyo xoriyadda qoraalkuba waa xor.
Madaxweyne muuse waxaa imminka u xidhan dad fara badan oo shaqadisa ku dhaliiyey  ayaa xukun ku dhacay, dadku miyaaney xishooneyn dadkii dhintay ayaa ilaa imminka wax  laga sheegaa khalad iyo sax waxay doonaan ha sameeyeen .
Wasiir Maxamed Kaahin waa la dhaliiley shaqadii arrimaha gudaha   ee masulka ka aha  Odayaal  ayaa si reerimo ah  difaacey   wasiirka  oo leh maxaa wax looga sheegayaa  Wasiirku ummada ayuu u dhexeeya waana shaqaale iyo  isaga iyo   Madaxweynuhuba .
Waxaan ku soo koobayaa  ” Haddii aanad dooneyn in wax laa sheeg sheeego waxaad iska furataa Bakhaar weyn oo weliba reerkiina ay wax kaa iibsadaan .
Ahmedbudul@hotmail.com
Ahmed Daacad.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker