Dowladda Itoobiya oo aqbashay in Soomaalida ka soo qaxaysa Suudaan ay yimaadaan dalka Itoobiya

– Safaaradda Soomaaliya ee dalka Itoobiya ayaa xaqiijisay in dowladda Itoobiya ay aqbashay in Soomaalida ka soo qaxaysa Suudaan ay yimaadaan dalka Itoobiya, kaddib wadahadal ay la yeelatay mas’uuliyiinta safaaradda Soomaaliya ee Addis Ababa.

Qoraal ka soo baxay safaaradda ayaa lagu sheegay in ay daad gureyneyso dhammaan dadka Soomaaliyeed ee ku xayiran xadka u dhaxeeya Suudaan iyo Itoobiya.

“Safaaradda waxaa ka go’an in ay soo daad gureyso dhammaan muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku xayiran xadka u dhaxeeya Suudaan iyo Itoobiya. Safaaradda waxay kala hadashay dowladda Itoobiya arrintan, waxayna labada dhinac gaareen go’aanka soo dhaweynta dadka Soomaalida ah ee ka soo qaxay colaadda Suudaan,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Kumanaan Soomaali ah oo isugu jira Arday iyo Ganacsato ayaa ku sugan dalka Suudaan kuwaas oo ay ka dhaceen dagaalo lagu hoobtay oo dhex maray Abdel Fattah Burhaan oo ah madaxa ciidamada qalabka sida iyo Gen. Mohammed Hamdan Dagalo oo madax u ah koox dabley ah oo loo yaqaano Rapid Support Forces.

Waxay ku soo beegantay laba sano ka dib markii ay si wada jir ah u fuliyeen afgambi militari oo ay meesha ka saareen u guuritaan dimoqraadiyad ah, taas oo soo bilaabatay ka dib markii mudaaharaadayaasha 2019 ay gacan ka geysteen in xukunka laga tuuro madaxweyne Cumar Al-Bashiir oo muddo dheer talada hayay.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker