Madaxweyne Biden Oo Difaacay Bixitaanka ciidamada Mareykanka Ee Dalka Afghanistan

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa sheegay in howlgalada Mareykanka ee dalka Afghanistan ay dhamaan doonaan 31 Ogoosto sanadkan.

Biden ayaa ayaa sidoo kale difaacay sida xowliga ah ee u socdo bixitaanka ciidamada Mareykanka, isagoo sheegay in ciidamadu badbaadiyeen nafaf badan.

Biden wuxuu sheegay in Mareykanku waqti hore uu ku guuleystay ujeedkiisii asalka ahaa ee duullaankii Afghanistan ee sanadkii 2001, kaas oo ahaa in xididada loo siibo Al-Qaacida, lagana hortago weerar kale oo Mareykanka lagu qaado, kuwaas oo la mid ah kuwii Sept.11, 2001.

Madaxweyne Biden ayaa sheegay in ka bixitaanka xoogagga Maraykanka ee Afghanistan uu yahay mid qorshaysan isla markaana hawlgalka militarigooda ay soo afjarayaan 13-ka bisha danbe.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker