Madaxa Shaybaadhka ee Dhakhtar weyn, Axmed Xaashi, Hala Gaadhsiiyo fariintan. Tacaddi Maamul oo uu Xaqaygii Ku duudsiyey. Qalinkii: Sadam Osman Kaabash.

Waa arooryo hore. Waxaan u soo kallahay xaggaa iyo dhakhtarkii weynaa Hargeisa Group Hospital. Ujeedkayguna waa in aan ka soo qaato waraaq caddayna. Waraaqdaas oo caddaynaysa in aan dhakhtarkan joogay muddo saddex bilood oo xidhiidh ah. Marka loo eego mudda tirsiga jaamacaddana waa min 27 Septembar 2017 ilaa Julay 2018.
Waa intership ay bixinaysay Shaqadoon oo ay iska kaa shadeen Jaamacadda Hargeisa, Shaqadoon iyo Wasaaradda Caafimaadka oo metelaadiisa uu lahaa dhakhtarka  weyni.

Waxaanu salaad hore 9:30am isugu nimi barxadda hore ee dhakhtarka,  gaara ahaan qaybta loo yaqaanno blood bank. Waa aniga iyo dhammaan fasalkaygii oo ka koobnaa 17 arday, Deankayagii Cabdifatah, madaxa shaybaadhka guud ee dhakhtarka Axmed Xaashi, ku-xigeenkiisa Xasan-awliyo iyo Laba nin ka socda shaqadoon oo sita 17 waraaqood oo lagu qoray xogtayadii iyo telefoonadayadii. Waxaanu goobtaas u istaagnay saf hablo ah iyo saf innamo ah. Waxaa geeska woqooyi naga taagnaa Deankayaga Cabdifatax iyo Axmed Xaashi oo ah madaxa shaybaadhka dhakhtarka. Waana ninka aanu maanta soo dhowayntiisa u joogno.

Waxaa hadalkii qaatay Deankayagii Cabdifatax. Waxaanu yidhi, “Halkan waxaad isugu timaadeen maanta in ad aqoontii aad soo barateen saddexdaa sano qaadataan baraktikaalkeedii oo aad idinku gacanta ka qabataan. Dhammaan shaqada socotana aad ka fudaydisaan shaqaalihii hore. Sidoo kale,  waxaad ka faaiidaysaan aqoon waafiya oo hadhaw idiin noqota Cv aad la meel martaan. Sumcad wanaagsana way idiin tahay in aad maanta fursad u heshaan dhakhtarkii waddanka, hadhawna aad ku faantaan waxaanu ka soo shaqaynay dhakhtarkii wadanka. Qofkasta waa in uu maanta laga bilaabo soo qoraa wixii uu faa’iiday iyo waxa ka dhimman. Soona diiwaan geliyaa waxa aanu arag ee si’ gaara loogu samayn karo. Wixii aad nasiib u yeelan waydaan dib ayeynu uga wada hadli”.

Hadalkii waxa qaatay madaxa shaybaadhka dhakhtarka, Axmed Hashi. Waxa uu yidhi, “Dhammaantiin hambalyo, waan idin soo dhowaynaynaa. Fursad fiicanna waanu idin siinaynaa in aad shaqada dhakhtarka gacanta ula tagtaan oo cilmi ka faaiidaan, karti iyo dhiirranaan ka kale tagtaan, si’ aad hadhaw adigu waxaad baratay ugu shaqaysato. Maanta laga bilaabo waxaad tihiin shaqaalaha dhakhtarka oo kale. Qalabka laabka waad soo qaadanaysaan. Waxaad shaqada bilaabaysaan 8:am subaxnimo. Lakiinse, idinka waxaa laydinka rabaa in aad shaqada soo gashaan 7:30am subaxnimo si’ laydiin xaadiriyo. Maalinkastana koox  ayaa ku  soo gelaysaan. Koox kasta waxa ay ka koobnaanaysaa afar ilaa saddex qof. Qofka maqnaadaa bilaa cudur daar lama ogola. Koox kastaa waxay shaqada ku qorantahay saddex cisho oo xidhiidh ah. Mudada aan halkan wada joognaana waa sannad. Hadalkii waxa uu kaga baxay isaga oo is-kaaya baraaya Ku-xigeenkiisa Xasan-awliyo. Waxaanu sii raaciyey isaga oo dhabarka ka taabanaaya Xasanaw ardaydan waxay ka socdaan Jaamacaddii Qaranka ee si’ fiican u la shaqee”.

Hadalkii waxa qaatay masuulka socda shaqodoon. Waxaanu yidhi, “Shaqodoon waa urur u xilsaaran in ay dhallinta siiyaan shaqo carbin si’ ay suuqa shaqada  u la qabsadaan. Xogtiinii waanu haynaa. Waanu idin la soo hadlaynaa. Bas raacana annaga ayaa bixinayna markas shaqo wacan ayaan idiin rajaynaynaa”.

Haddaba, 5 october, 2018. Waxaan u kallahay dhakhtarkii waynaa. Waxaan doontay waraaqdii caddaynta in aan ka shaqaynayey dhakhtarka. Waxaan sii qaaray ID-gii jaamacadda, shahaadadii, GPA-gii. Waxaan tegay dhakhratkii waxaan raadiyey Axmed Haashi. Wakhti dheer ayey igu qaadatay.  Waxaan fadhiisatay qaybta ay fadhiistaan dadka loo adeegayo. Waa abbaro 11:30am. Waxaan sugaba. Waxaan kolba hawl-wadeen soo baxa aan  idhaahdo, Axmed Haashi maku jiraa gudaha? Hasan awliyo maku jiraa gudaha. Waxaan la kulmay  Axmed Xaashii oo meel halkan ah taagan oo markaas soo baxay. Waxaanu la taganyahay nin dhallinyaro ah oo ay si’ fiican isu waraysanayaan. Waxaad ka garanaysaa sheekada dhexmaraysa.

Waan salaaamay. Waan isu sharraxay. Waxaan tusay ID-gii, waxaan u i-shaaray in aan sito shahaadadii waxaan u sheegay in liiska magacaygu yallo xafiiskiisa, waxaan ku idhi, “Guddoomiye waxaan maanta kaaga fadhiyaa waraaqdii caddaynta in aan idin la shaqaynaayey mudadaa”. Waxaan u sheegay oo aan ku adkeeyey in meel shaqo ka bannantahay ay igaga xidhantahay. Inta uu indha kulul igu soo eegay ayuu yidhi, “Adeer orodoo jaamacaddaadii u doono caddaynta aad na waydiinayso. Waxaan ku idhi, “Adaa ah madaxii shaybaadhka waanigan sita waraaqihii caddaynta iyo ID-gii ee magacayga ka eeg xafiiskaaga?. Waraaqdan aan maanta kaarabana shaqo ayaa igaga xidhan ee ii fududee.  Inta uu xanaaqay ayuu yidhi, “Adeer hadal makarayee orodoo jamacddaadii tag!!. Annagu ma siino Jaamacadda Hargeisa waraaq caddayn ah. Shaqo noo taalana maaha. Adeer liibaaane orod idhaaf!!.

Gunta iyo gebagebada, aniga horta ninkaasi gefweyn ayuu iigaystay. Waxaanan filaynna waa uu sameeyey sharcigii waddankana wuu ku tuntay. Eeggase, cid looga cawdaa ma jirto. Aniguna sidaas ayaan kaga tanaasulay waraaqdii aan xaqa u lahaa. Maalintaasna hadduu sharcigu shaqaynayo waan soo qaadan lahaa. Laakiinse, nasiib darro sharci dawladeed oo dulmanaha u dooda ayaan jirin. Bal suuree boqolaalka qof ee maalinkasta sidaas loo dulmiyaayo een aan haysan cid warkooda soo tallaabisa. Nin aan saaxiibnahay baa i waydiiyey maxaad kaga aargoosan?. Waxaan ugu halceliey, ” Maalinta aan wadankan masuul ka noqdo haddii geeriyi dayso waan ka aargoosan”.

Sadam Osman Kaabash.
Biomedical scientist.
Hargiesa, Somaliland.
Degmada: Maxamed Mooge.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker