Ciidamada Turkiga Oo Gudaha U Galay Dalka Wuqooyiga Suuriya

Milateriga Turkiga ayaa billaabay duulaan dhulka ah oo uu ku beegsanayo waqooyiga Suuriya, saacado kadib markii ay diyaaradihiisa iyo madaafiicda goobta duqeeyeen deegaanno ay ka taliyaan xooggaga Kurdiyiinta.

Ciidamada Turkiga oo kaashanaya jabhado Suuriyaan ah ayaa galay aagga “bariga webiga Furaat” sida ay sheegeen saraakiil Turki ah.

Madaxweyne Rajab Tayib Erdogan ayaa sheegay in ujeedada hawlgalkan ay tahay samaynta “aag ammaan ah” oo laga sifeeyay xooggaga Kurdiyiinta, deetana la dejin doono qaxootiga Suuriya.

Xooggaga Kurdiyiinta ee garabka u ahaa Maraykanka ayaa wacad ku maray inay iska caabin doonaan duulaankaasi.

Duulaanka Turkiga ayaa bilowday maalmo uun kadib markii uu madaxweyne Trump ciidanka Maraykanka ka saaray deegaankaasi weerarku ka dhacay, taasoo u muuqatay inuu ogolaansho siiyay xukuumadda Ankara.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker