Wasiir Kaahin & Maxamuud Xaashi Oo Kulan ku Yeeshay Hargeysa , Kana Wada Hadlay Arimo Xasaasi ah

Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland Maxamed  Kaahin Iyo Siyaas Maxamuud Xaashi Oo La Kala Reebayo iyo  Kullankii Xalay Dhex Maray Labadooda.

Xalay waxaa magaalada hargeysa ka dhacay kulan u dhaxeeyey siyaasiyiin miisaan culus kuleh saaxada siyaasadda somaliland.

Kulanka oo ahaa mid qarsoodiya ayaa dhex maray siyaasi Xaashi iyo wasiirka arrimaha gudaha Maxamed Kaahin Axmed.

wararka ayaa sheegaya in  lagu heshiisiinayey siyaasi Maxamuud Xaashi iyo wasiirka arrimaha gudaha Maxamed kaahin oo hore isugu seegay arrimaha xukuumadda iyo xisbiga KULMIYE isla markaana hirdan siyaasadeed uga dhaxeeyey dumaasha xisbiga KULMIYE.

Xogaha ayaa tibaaxay in lagu heshiisiiyey labada masuul isla markaana iska dhaahiyeen wixii ay kala tirsanayeen oo ay u midoobaan xaaladda siyaasadeed ee dalka oo xaraaradeedu xoogeysatay imika.

Kulanka waxaa goobjoog ka ahaa ex wasiirkii hore ee wasaaradda macdanta iyo tamarta jaamac Maxamuud cigaal guddoomiyaha Hay’adda qaxoontiga iyo barakacayaasha Cabdikariin Xinif, Baashe Cawil safiirkii hore ee dalka Kenya, Cali siciid raygal Iyo wasiirka dastuurka.

Waxayaabaha lagu heshiiyey balse waxay wararku tibaaxayaan in laysla qaatay midow siyaasadeed iyo in Maxamuud Xaashi kalka siyaasadeed ee KULMIYE loo baneeyo.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker