Kusoo dhawoow Somalilaan, haddaad doonto ll.

Dadweynaha Somalilaan intooda badani waxay ku mashquulsan yihiin sidii ay u debberi lahaayeen baahidooda maalin laha ah, iyagoo dadaalkoodu kusoo ururo cuntada, qaarkood iyagoo aan hubin ayay hadana helaan wax ka badan intii ay u baahnaayeen, daba ka welwelkaasi wuxuu sababaa caafimaad xumo. Madaxda dalkuna qaarkood welwel kaa la mid ah ayay qabaan, Guri, gaadhi iyo masaariiftoodu kuma fillaato, waxaad mooddaa inay cadow boobayaan, Magaca hadhana dan kama laha.
 
Badiba dadweynuhu Siyaasada wakhti uma hayaan, laakiin laabta ayay ka jecelyihiin. Sidii Xukuumadda Madaxweyne Biixi u timi dadweynuhu wax badan kama faalayn karaan waxaynu qabsanay iyo waxa aynu qorshaysanay, waxaana sababay, Curin iyo aftahanimo la’aanta Xukuumadda, isla mar ahaantaana ay Xukuumaddu ogaan u ilaaliso xogteeda ama wax iskaga tirin la’aan dadka ay ka masuulka tahay.
 
Xukuumadda laba jirsatey uma aragto in ay muhiim tahay war gelinta dadkeeda iyo kuwa bulshada caalamka, Diin iyo Daramaltoona uma dirato, shacabku iyagaa iska ekaada,hadhowna iska soo jeesta. ” Hargeysa, Burco, Berbera, Gabiley illaa Wajaale anagaa leh, dalka waanu u soo halganay, u soo dhaawacanay oo u dhimanay. Aadamaha cid aanu u baahanahay iyo cid aannu talo ka doonaynaa ma jirto. Dhaqaalaha waxaan u ururinaynaa in aan sii daayo xilli aniga ii calaamadsan, marka aan doono ayaan hadlayaa, jabhaduhu waa yeelkadood, ma Hargeysay iigu imanayaan! “. Feker noocaasa ayay dadku ii sawireen.
 
Mar haddii Xukuumaddii u muuqato in aanay doonayn inay qanciso dadkeeda iyo Beesha caalamka, mar haday cidday doonto xidhayso, doorasho iyo soo hadalqaadkeedu waa ” Ciridkaan arkayo Ilko kama soo muuqdaan “.
 
Colaadda iyo shakiga Siyaasadeed ee Madaxda Xisbiyada mucaaridka iyo tartanka Maxamed iyo Maxamuud ee Gudoomiyenimadu, wuxuu Madaxweynaha u sahlayaa inuu dabkiisa iska ag jiifo,marmar uu xaabada is yare raaciyo mooyee.
 
Madaxda iyo haldoorka mucaaridka ee sidayda xiiran, looguma bixin Seenyo timo la’aanta. Waxa magacu ugu baxay, inkastoo ay saloolasho labada lugood ee dambe isku taagaan, is dheereeyaan intii itaalkooda ah, mar hadaanay sanqadho bixinayn, sow Seenyo iyo caadadeed ma aha.
 
Xukuumaddu ilaa iminka xaal kama bixin, xushmad yaridii lagula kacay Gudidii uu hoggaaminayey Suldaanka guud, xidhidii is yeelyeelka badnayd ee Xoghayaha Waddani, hubsiimo la’aantii lagula kacay macalin Cabdi ” inamada how Mareexaamayn ‘. Odayada iyo shuyuukhda qiimaha badan ee iminka ku guulaystey inay Soo daayaan madaxdii mucaaridka, loogama fadhiyo inay wax kale oo xal ah ka gaadhaan muranka huursan, sidii looga bartay.
 
Nin la yidhi na daadihi, haddii layska daba galo
Oon doohna cidi odhan, damac waayi maayee
Maxaa ii damaanada, haddaan Dahabo bixiyaba
Inaan lagu durdurinayn. Macalin Gaariye. Dabataxan.
 
La soco qaybta Sadexaad, maxaa inala gudboon. Haddii Alle oggolaado.
 
Bashiir Tarabbi Oogle,
Somalilaan.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker