HEEGO OO BEENTEDII KU HAFATAY …… …… WORLD BANK OO YAABAN !

Nin mutacalima oon maqaaladiisa aan akhriyo ayaa halkan maqaal kusoo qoray sheeko baryahan ku jirtay social media Abwaanku wuxuu leeyahay Somaliland ayuu banka aduunku wax siiyey hada waa World Bank horta dadka uu meesha ku qoray sida Macaali Wasiir Farxaan Haybe iyo Macaali Wasiir Hinda Jaamac Gaani iyo laba oday ee bankiga dhexe haysta oo meela ka sheegaya in World bank lacag siiyey Somaliland $ 10.000.000 toban Milyan ah maanu arag…….

Muwaadin bangiga aduunka ( World Bank ) iyo Haya’ada lacagta aduunka ( IMF ) waxay cid siiyaan ama amahiyaan waxaad ugu tageysaa wesites -ka ama mareegaha ay leeyihiin hadaad maqashid lacag bay amaahiyeen ama toos u siyeen Somaliland labadaa haya’adood waa BEEN AMA QARAN DUMIS HALAGUGU SHEEGO AMA QARAN DHISE WAA BEEN ..

Waxay ka dhigan tahay hadaad joogtid Europe, Australia ama North America adoo bank galay oo yidhi lacag i amaahiya oo lugu yidhi aynu wada hadalo ee show us your ID? Waar waraaqo aqoonsi na tus ood usoo saartay basboor Somaliland ah waad ogtahay bax bay ku odhanayaan hadaad deg deg u bixi waydid boliis iyo kuwa cafimaadka dhimirka ayey kuu dalbanayaan………….. Dal aan cidna aqoonsan waa qof billaa ID ama waraaqo aqoonsi la’aan ah period…..

Hadaa beenta ay HEEGO ABUURTAY HADANA KU MARGATAY SAY KU BILAABANTAY….. waxa jira mashruuc uu World Bank maal gelinayo oo dawladaha soo koraya qaar u qoondeeyey inay maamulka shaqaalaha hore ugu mariyaan lacagtu waa dalkiiba badi kuwa Afrika $ 10.000.000 toban milyan oo Dollar …….. Muwaadin beenta HEEGO ha dhagaysan Somaliland waxay ka tirsan tahay weli dalkii Somaliya laysku odhan jiray dal weynihii Somaliya ayuu “World Bank” isku siiyey $ 10.000.000 toban milyan oo Dollar Macaali Wasiir Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Bayle iyo wasaarada maalida Somaliya ayaa loo shubay……

Somaliland lacag kastoo deeq bixiyayashu bixiyaan oo laysku siiyo Somaliya 18% boqolkiiba sideed iyo toban bay ku leedahay markaa Somaliland Macaali Wasiir Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Bayle wuxuu usoo shubay lacag dhan $1.800.000 Milyan iyo sideed boqol inkastoo la sheegayey markuu telefoonka ka muusanaabay Gudoomiye Faysal Cali Waraabe in $ 2000.000  labada Milyan lasoo kamilay lakiin warkaa cid xaqijisa ma hayno ……… HEEGO ma naxayso lacagtii bay ku shegeen in World Bank toos uu siiyey ooy ahayd $ 10.000.000 tobon milyan oo Dollar…..

Xadhiga iyaku qoorta ma sudheen qolona iyakoo transparency act ka faa’ideysanaya iyo shafaafiyada bankiga aduunka ayey dalbadeen xisaab xidhkii ay Somaliya/ Somaliland dib ugu celiyeen World Bank , xisaab xidhku waa weli ee odoroska ay sameyeen dheh iyo wuxu inuu ahaa xisaab xidhkii sanadkii hore waa suurta gal ……….Adigu Muwaadin waxay gacanta kuso dhigeen  qoladii beenta Heego ka daba qaadatay  EXCEL SHEETS CASH OUTFLOW waraaqahaa excel sheets waxa ka soo booday dhawr HEEGO AH XIL MEELA KA HAYN OO JIIFOO JAQ AH , waa tay Heego ka gubatay wax kalo ku qoran magacyo Kenyan ah Sawaaxili Muwaadin ogow lacag kastoo deeq bixiyayaashu dalkii Somaliya la isku odhan jiray siinayaan waxa dilaal ka ah niman well educated aad wax u bartay wada Doctorate ah oo caalamka meel kasta wax kusoo bartay  oo lacagtaa Somalida la siinayo ku mamay oo Kenyan ah maha inay magacyadani Somaliland u shaqaynayeen ee Somaliweyn iyo $ 10.000.000 ayaa balag looga tuuraa iyaguna hawl wax ka ool ah Administrative  iyo Maamul, legal iyo xaga sharciga  , insurance iyo caymis  reporting iyo wargelin hufan,IT iyo amuuraha information technology ayey u qabtaan …….. HEEGOY BEENTIINA HORE RUNTIINA DAMBE AYEY U DARAN TAHAY ogaada …  Beentani Macaali wasiir Farxaan Haybe way ka horeysay , Macaali wasiir Hinda Jamaac na waxaanu hubnaa meesha lagu raamsaday $ 1.800.000 inaanay ogeyn hadii la odhan lahaa qaybina sidii dawacadii berigii ayey odhan lahayd :

           Adeer gacalle qaar iyo dalool, qaaxo iyo feedho

         Qummud iyo baruuriyo legiyo, qawdhihii kuruska

         Kuu wada qorsheeyeye Islow, neefka wada qaado

Bismilaahi ma HEEGO iyo laba Milyan …..

 

Ahmed Jigga

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker