Eng Faysal Cali Waraabe oo sheegay Sababta Loo Aqoon san La,yahay Somaliland

 

 

 

 

Jamhuuriyadda iskeed madaxbanaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland ayaa shalay laga xusay munaasabadda 18-ka May, oo ku beegan markii Somaliland ay ku dhawaaqday in ay gooni isaga taagtay Soomaaliya inteeda kale.

Somaliland oo marxalado kala duwan soo martay ayaa 28 sano kadib aan wali helin wax aqoonsi ah, ayadoo dhanka kalena waxyaabaha lagu ammaano ay kamid yihiin nabadgalyada iyo hannaanka dimuquraaddiyada ee xisbiyada badan.

Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID, Inj. Faysal Cali Waraabe oo muddadii ay Somaliland jirtay ka mid ahaa dadka aan siyaasadda ka bixin oo BBC-da waraysi siiyey ayaa ka hadlay arrimo dhowr ah oo ay kamid yihiin siyaasadda iyo mustaqbalka Somaliland.

Faysal Cali Waraabe oo ka hadlayey xuska 18-ka May ayaa sheegay in ay tahay maalin qiimo wayn u leh Somaliland marka la eego marxaladihii uu dalku soo maray.

“Maanta waa maalmaha uu qiirada badan, waad ogtahay dhibaatadii ka dhacday dalka, magaalo qudha oo dhisnayd majirto, marka in maalintaas la xuso way mudnayd”.

Injineer Faysal oo ka hadlay marxaladii ay soo martay Somaliland ayaa sheegay in aanu filayn in arrinta aqoonsigu ay muddo intaas le’eg qaadanayso.

“Hadda kahor waxaan BBC-da barnaamijka “Waxay ila tahay” ka sheegay oo aan oran jiray, markii ay laba sano jirtay Somaliland, hadaad sanadka maanta ah joogtaan ictiraaf waad helaysaane adkaysta”.

Faysal Cali Waraabe ayaa ka warramay halka uu u tirinayo in dhaliishu ay ka jirto iyo waxa loo baahan yahay in la sameeyo si riyada aqoonsiga looga guul gaaro, waxa uu eedda dusha uga tuuray siyaasiyiinta oo uu sheegay in aanay lahayn himilo dheer oo waqtigii ay ku lumiyeen khilaaf iyo isqabqabsi.

Faysal cali waraabe oo ka hadlay booqashada imaraadka

Jabhaddii SNM ayuu ku dhaliilay in markii ay gobbolada Waqoooyi qabsatay aanay si wanaagsan u maamulin ayna jirtay habacsanaan dhanka awoodda ah.

Faysal Cali Waraabe ayaa yidhi: “Waxa la inoo ictiraafi waayey maahan wax dibadda inooga yimid waa wax gudaheenna ah, Markii jabhadi waddan qabsato, waa in ay waddankaas gacanta ku dhigto, oo ay hay’adaha dalka dhisto oo markay dhowr iyo toban sano joogto hadhow Dimuquraadiyad loo baddalaa”.

“Waxaa nasiib darro noqtay in SNM markii ay dalka qabsatay ay soo baxday habacsanaan dhanka xukunka ah, marka dhallinyadii ay daryeel waayeenna khayraadkii yaraa ee dawladdii ay ka dagtay, ayaga dhexdoodii ayaa isku dilay, markii lagasoo kabtayna siyaasad loo dhan yahay ma aanay samayn” ayuu yidhi.

Mar uu ka hadlay mustaqbalka da’yarta Somaliland oo intooda badan dhashay 28-kii sano ee ay Somaliland jirtay ayuu sheegay in aayahoodu uu ku xiran yahay cidda hadba hoggaanka haysa.

Waxa uu intaas ku daray in dhalinyaradu ay u baahan yihiin dhiirri galin iyo cid jihaysa balse aanu wali arag cid dadweynaha rajo fiican tusta.

Waxa uu sheegay in aanay jirin siyaasad meel mar ah oo ay leedahay Somaliland asagoo sheegay in waqtigiiba uga dhammaaday is qabqabsi iyo dhaliil joogta ah.

Si kastaba ha ahaatee Injineer Faysal Cali Waraabe oo kamid ah haldoorka Somaliland ayaa inta badan xukuumadda ku dhaliila in ay ka gaabisay waxyaabo badan oo ahayd in la qabto oo aqoonsigu uu kamid yahay.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker