Maxkamadda Gobolka Bari Ee Puntland Oo Xukuno ku Ridey Siyaasiyiin Iyo Oday Dhaqamedyo

Maxkamadda derejada kowaad ee gobolka Bari ee maamulka Puntland  ayaa maanta xukunno isugi jira xabsi iyo ganaax lacageed ku ridday, siyaasi Muuse Cali Jaamac iyo odayaal kale oo mudda bil ah ku xirnaa magaalada Boosaaso, kadib markii ay xukuumadda Puntland ku dhaliileen Heshiisyo Maal-geshi oo ay kula jirto Shirkado laga leeyahay waddanka Imaaraadka Carabta.

Maxkamadda ayaa saddex bilood ah oo xabsiya iyo ganaax lacageed oo dhan $500  oo Dollar, waxay ku riday Siyaasi Muuse Cali Jaamac, Nabadoon Cabdullaahi Yuusuf Buuxe iyo Nabadoon Cawad Aadan Maxamed.

Sidoo kale, Maxkamadda ayaa laba  sano oo xabsiya iyo ganaax lacageed oo $1,000 Dollar, waxay  ku riday Nabadoon Cabdicasiis Bayadhabo iyo Nabadoon Maxamuud Aadan Rooble.

 

Guddoomiyaha Maxkamadda oo ku dhawaaqay xukunka, ayaa sheegay in shanta eedaysane ay ku caddaatay eedaymo ay kamid yihiin Kicin-dadweyne iyo sidoo kale aflagaaddo ka dhana madaxda dowladda Puntland.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker