Jabuuti oo soo dhaweysay go’aanka maxkamadda lagula tiigsaday Israa’iil

Dowladda jabuuti ayaa soo dhaweysay go’aanka dowladda koonfur Afrika ugu gudbisay maxkamadda addunka kiiska dacwada ka dhanka ah Israa’iil.

Dowladda jabuuti ayaa war ay soo saartay ku tiri: “waxaan hambalyeynaynaa go’aanka Dowladda koonfur Afrika, kaas oo wax weyn ka badali doono dagaalka ka socda dhulka Falastiiniyiinta. Waxa aan rajeyneyna inuu soo gabagabeeyo xasuuqa ka socda Qaza ka oo aay gaysanayan Dowladda Israa’iil”.

Maxkamadda Cadaaladda Adduunka ee magaceeda loo soo gaabiyo ICJ, ayaa waxaa ka socda dhageysiga kiis ka dhan ah dawladda Israa’iill oo ku saabsan dagaalka Qasa.

Dowladda koonfur Afrika ayaa gudbisay dacwaddaan, waxaana ay ka dalbatay maxkamadda in ay ka baaraan degto go’aanka laga gaarayo arrintaan. Balse Israa’iil ayaa si adag u diiday eedaymaha loo jeediyay.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker