Dooro Musharraxa G/Deegaanka Burco Isbeddeldoon Mustafe Faarax
Nin ayaa yidhi; kolkii aan yaraa waxa aan isku dayay in aan adduunka wax ka beddelo. Waxa aanan ogaaday in adduunka sida wax loo ga beddelaa in ay adag tahay! Ka dib mar labaad waxa aan go’aan saday in ugu yaraan aan dalkayga wax ka beddelo. Iyana waa aan ku guuldarreystay! Dabadeed mar saddexaad ayaa aan ku tashaday in aan magaaladayda wax un ka beddelo. Taas na waa aan ku guuldarreystay! Mar afraadkii ayaan isku dayay in aan qoyskayga un wax ka beddelo, iyana nasiib darro kuma aanan guuleysan!
Haddaba imikina, da’ ayaan ahay oo waa aan gaboobay, waxa kaliya ee aan awoodaa waxa weeye in aan nafteyda wax ka beddelo. Waxaanan ogaaday haddii markii hore aan naftayda wax ka beddeli lahaa, in aan qoyskaga iyo asxaabtayda wax ka beddeli kari lahaa. Kolkaas dabadeed magaaladayda iyo dalkaygana aan wax ka beddeli lahaa, ka dibna adduunka aan beddeli lahaa.
Halkaas waxa aan ka akhrisan karnaa in isbeddelka dalku uu ka bilaabmo dadka, gaar ahaan qof walba iyo qaabeynta noloshiisa. Waxaa na habboon in marka la rabo hoggaamiye wax beddela in la doorto in la eego shaqsiyaddiisa in uu ka beddelay. Waxa se ay dhibtu soomaalida ka haysataa ma fiiriyaan cidda ay dooranayaan in uu naftiisa wax ka beddelay iyo in kale, balse waxa ay u shaqeeyaan taas lidkeeda oo waxaa ba la moodaa in uu qofba qofka ka liito loo cumaamado. Waydiintu se waxa ay tahay, Haddii aanu qofku naftiisa wax ka beddelin sidee ayuu qaran dhan u beddeli karaa? Mustaxiil. Gandhi haddii aanu naftiisa beddeli lahayn, dalkiisa ma beddeli lahaa? Mandela isna isbeddel ma la iman lahaa haddii aanu naftiisa beddelin? South Africa ma gaadhi lahayd barwaaqo soorankaas? Jawaabtu waa maya. Dal la dhiso waxaa ka horreeya dad la dhiso, dad la dhisana wax ka horreeya qof la dhiso. Xaqiiqdu waa sidaa.
Qodobka labaad ee isbeddelka shaqsiyadda qofka ku lammaani waa in la eego qofka khibradda uu u leeyahay waxa la rabo in loo igmado. Labaadna haddii laga helo waxa soo baxaaya qof isbeddel-duleed mid iyo isbeddel-gudeed la yimaada, haddii se labadaas la waayo, waxa laga dhaxlaa waa waxa maanta soomaalida haysta ee ah dib-u-dhac iyo go’doon bulsho.
Haddaba Mustafe Faarax Cawil, maanta waa musharrax raba in uu Golaha Deegaanka Burco iska sharraxo, waxa aanan hubaa in uu yahay qof ku habboon booskaas. Run ahaantiina waa qof shaqsiyaddiisa wax badan ka beddelay, taas macnaheeduna waxa weeye in bulshadiisana wax ka beddeli doono, una beddeli doono si togan. Isla jeerkaasna waa shaqsi leh khibrad iyo waayo-aragnimo sagaal sanno ah oo dhanka dawladaha hoose ah, sababta oo ah sagalkaas shanno waxa uu ka shaqeeynayay Dawladda Hoose ee degmada Oodweyne, waxaana uu ka soo qabtay xilal kala duwan sida, Agaasimaha Maamulka Iyo Maaliyada, Agaasimaha Arrimaha Bulshada, Agaasimaha Waaxda Qorshaynta, Horumarinta Degmada, iyo Madaxa Shaqaalaha Dawladda Hoose.
Mustafe Faarax, mar aan waydiiyay sababta ka danbeysay musharraxnimadiisa waxa uu yidhi, Ujeedka aan isu sharaxay ma aha in aan hanti urursi u imaado Golaha Deegaanka Burco. Waxaan in badan aan naawilaayay in aan helo madal ama platform aan umaddayda wax ugu qabto si aan adeeg hufan u gaadhsiiyo bulshadayda.” Musharraxa wuxuu intaas ku daray, “Waxaan u taagnahay oo aan isu soo sharaxay in aan helo fursad aan bulshadayda wax ugu qabto, damacayguna ma aha mid ku salaysan xildoon iyo hanti-urursi. Damacaygu waa inaan helo madal aan bulshadayda wax ugu qaban karo.”
Haddaba, muwaadin, ku dooro Musharrax Mustafe Faarax, khibrad, xifrad, caddaalad, waxqabad, karti, hufnaan iyo hanaqaad degmo, dal iyo dunida ba gaadha. Waxaa aanan Alle u weydiinayaaa in uu hammigiisa ku guuleeyo Musharraxa una rumeeyo himilladiisa. Horaa loo sooconayaa walaal.
Qalinkii Sayid Maxamed Cumar “Darwiishka”