Geeska Africa iyo Qowmiyadaha ugu tunka weyn. W/Q Faysal Cabdi Rooble

Soomaali waa Kacaa-kuf

Geeska Africa iyo Qowmiyadaha ugu tunka weyn:

Somaali-30 Milyan

Oromo 37 Milyan

Axmaro 27 Milyan

Amxaro carigeeda cid Soomaali ahi oo u shaqo tagta ama badeecad geeysaa majirto. Sidoo kale, Oromo ma aado. Xiligii meel kaliya looga talin jiran Itoobiya oo dhan waxa deegaanada Soomaalida la keeni jiray askar, qaadiyo, Karaani, iwl oo Amaro ama Amxaro wadato. Hada arintaasi waa soo afjarmi doonaa.

Soomalidu waxay wax ka gaddataa ama wax ka gadda waa Qowmiyada Oromo.

Maxay ku dhacday in Abiy isku dayo in uu Soomaalida oo shidaal, xoolo, xeebaha ugu waaweyn Afrika leh in uu yasso uu ka soo qaado ama uu ula dhaamo sidii qawmiyad yar oo 1 milyan iyo wax lajira aan ka badnay?

Sababo badan oon ognahay ayaa jira wana arimo Soomaali dhamaysan doono. Waxase qalad weyn samaynaya Dr. Abiy ood moodo in aanu kaba warqabin taariikhda Geeska Afrika.

Soomaali kacaa-kuf hanoqoto tan iyo qarnigii 12 xiligii Diinta Islaamku soo gashay biā€™adan. Dhawr dagaal oo kala dhacay qarnigii 14add, 16aa, 19aad, 20aad ayaa inta badan Soomaali adkaatay dibna loo jabiyey kadib markii la adeegsaday xoogag shisheeye.

Sikastaba ha ahaatee Soomaali waa quwaf weyn oo Geeska Afrika ku dhaqan oon la yaraysannkarin. Waa in quwadaas la isku ururiyaa mar ay noqotoba.

Waxaan Eebahay ka quudayaa in kuwa sheeko wadaaga la leh Dr. Abiy bal in ay yar fahansiiyaan cidda ay Soomaalidu tahay.

 

 

 

Waa Bilaahi Towfiiq

Faysal Cabdi Rooble

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker