Ciidanka Booliska Somaliland Oo Hargeysa Ku Qabtey Xashiishad Tiro Badan

Saldhiga ciidanka booliska ee degmada Axmed Dhagax ee magaalada Hargeysa ayaa gacanta kusoo dhigay tiro maandooriyaha xishiishadda ah oo la soo gelinayay dalka.

Taliyaha saldhiga ciidanka booliska ee degmada Axmed dhagax iyo saraakiil kale oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay gacanta ay ku soo dhigeen 35 xabbo oo ah maandooriyaha xashiishadda loo yaqaan kaasi oo lasoo geliyey magaalada caasimadda ah ee Hargeysa, waxaanaa ay tilmaameen in falkaasi ay u soo xidheen lix eedaysane isla markaana ay ku dabo jiraan eedaysnayaal kale oo baxsad ah. Saraakiisha ciidanka boolisku waxay intaas ku dareen in eedasanayaasha la hayaa ay isugu jiraan kuwii dibadda ka keenay maandooriyaha iyo kuwii sii iibinayay.

 

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker