Dood Ka Taagan Xildhibaan 45 Jir Ah Oo Guursaday Gabadh Yar oo 15 Jir Ah!

Amir Liaquat Hussain, oo 49 jir ah, ahna xildhibaan ka tirsan xisbiga Ra’iisul Wasaaraha Pakistan Imran Khan ee Tehreek-e-Insaf (PTI), ayaa maalmahan dhaliyey doodo badan.
Dhab ahaantii, Liaquat Hussain ayaa warkan ku sheegay Twitter-ka inuu guursaday Syeda Daniya oo 18 jir ah, waana guurkiisii ​​saddexaad. Waxaa jira farqi ah ilaa 31 sano oo dhanka da’da labadooda ah. Maalin uun ka hor barta Twitter-ka ee Liaquat Hussain, xaaskiisa labaad Syeda Tuba Anwar ayaa dadka ku wargelisay furiinkooda qoraal ay soo dhigtay Instagram-ka. Waxay soo qortay, “Waxaan rabaa inaan dadka ogeysiiyo isbeddelka nolosheyda ku yimi, qoyskayga iyo saaxiibada dhow waxay og yihiin in 14 bilood ka dib, ay caddaatay in aysan jirin rajo ah dib-u-heshiisiin na dhex marta aniga iyo seygaygii, waxaana ay noqotay inaan doorto ikhtiyaarka ah in maxkamada la furo.”
Tuba Anwar ayaa qoraalkan ku soo qoray, “Ma sheegi karo in ay adkeyd balse Alle ayay tiisa tahay, waxaan ka codsan lahaa qof walba in uu ixtiraamo go’aankeyga xilligan adag.” Weriye ayay ahayd xirfad ahaan, Tuba Anwar oo 28 jir ah iyo Liaquat Hussain ayaa is guursaday 2018. Waqtigaas xaaska koowaad ee Liaquat Hussain waxay sheegtay in lagu furay farriin loo soo mariyey dhanka taleefanka. Xaaska koowaad ee Liaquat Hussain Syeda Bushra Iqbal ayaa barta Instagram-ka soo dhigtay wakhtigaas sida ninkeedu ugu furay taleefoon. Waxay ku eedeeysay in Liaquat uu tan uu u sameeyay rabitaanka Tuba.
Bishii Februray 10, Aamir Liaquat Hussain wuxuu soo baahiyey guurkiisa seddexaad.Liaquat Hussain ayaa sheegay inuu guursaday Syeda Daniya Shah oo ka tirsan qoyska Saadat oo ku nool Lodhran, South Punjab, taasoo 18 jir ah. Liaquat Hussain ayaa ka codsaday dadkiisa kheyrka jecel in ay u soo duceeyaan.Guud ahaan, farqiga da’da 31 sano ee u dhexeeya lammaanahan ayaa lagu tilmaamay mid aan caadi ahayn. Sharciga Pakistan ayaa ogol in la guursado haweenka marka ay da’da tahay 18. Laakiin guurka Hussain ayaa keenay su’aasha ah in gabdhaha da’da yar la siiyo mudnaan sare Pakistan iyo in tani ay noqotay caado caadi ah dalkan.
Pakistaniyiinta isticmaala Twitter-ka ayaana arrintaasi falanqeeyey. Sohni ayaa ku soo qortay halkaas guurka Liaquat Hussain, “Wax kasta oo sharci ah mar walba sax ma aha. Ma sharci baa in nin 50 jir ah uu guursado gabadh 18 jir ah? Haa. Laakiin marka la barbardhigo da’da caruuska, saw kama dhigna in uu ilmo yar guursaday? caruusku wuxuu jiray 32 jir markay dhalatay.”Sohni kali kuma aha dhaleeceynta guurkan. Isticmaalayaal kale ayaa ka hadlay, qof lagu magacaabo Mahin Ghani ayaa qoray, “Nasiibdarrada dhabta ah ayaa ah in ragga Pakistan intooda badan ay la mid yihiin Amir Liaquat. Waxay ka tagayaan xaasaskooda iyo carruurtooda si ay u raadiyaan ilmo gabadh ah oo ay u guursadaan. Habkan sunta ah ayaa sii socda mana aha mid la aqbali karo.”
Maxaa loo jecel yahay gabdhaha yaryar?
BBC Urdu ayaa arrintan dad badan kala hadashay, waxaana soo ifbaxaya sababo badan oo ka dambeeya in la guursado gabadhaha yar yar oo ay ugu horeyso quruxda.Sameer Khan, oo degan Karachi, wuxuu leeyahay saddex carruur ah. “Markaan u tagno inaan aragno gabadh, waxaan aragnaa qurux, laakiin markaa wiil siinayno hablahayaga, ma aragno da’da wiilka ee waxaan aragnaa lacagtiisa iyo waxbarashadiisa,” Khan ayaa u sheegay BBC.Sameer Khan ayaa yiri, ” wiilkeyga waxaan u keeni doonaa gabadh yar oo qurux badan si ay isugu ildoogsadaan muddo dheer, waxaan filayaa in boqolkiiba 80 dadku ay rabaan gabadh qurux badan in uu soddog u noqoto. Laakin quruxdu ma tahay sababta kaliya?” ayuu sii raaciey hadalkiisaSameer Khan wuxuu yiri, “Sababta kale ee weyn ee ka dambeysa helitaanka gabadh yar waa da’da yar, waqti badan ayaa jiri doona si ay carruur u dhalaan. Haddii carruurta aan la qorsheynin bilowga guurka, ka dib xataa hadhow Xaasku waqti bay u haysaa arrintan.”
Xaaladdan ayaa dhalisay doodo culus oo baraha Bulshada ka taagan dadka qaar taageeray guurka gabdhaha yaryar iyo ku aad uga soo hor jeeda oo dawlada ugu baaqay in la joojiyo.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker