Somaliland Siilaanyo Xaraashe, Qabiilayste haduu Madaxtooyadii ka baxay, Boobkii, Dhacii Reerkiisa & ehelkiisu miyaanay tegin Muhnad, Moorgan, Aamina Weris,Cumaani, talaw Laantii Miyuu Fashay Odeygu.

Siilaanyo Xaraashe Reerkiisii, Buurihii, Badii, Biyihii, Cirkii, Dekedii, Haamihii
wada xaraashe, qaate, Debedaha soo dhigte, hadana weli wey soo taagan
yihiin, Aamina Weris & Moorgan weli waakuwaa Shirkadaha DubaiĀ  ka samay-
sanaya ee sheerarka ku leh, Shirkado Maal gashi, kuwa Ganacsi oo Moorgan &
sacad ku qoran yihiin.
Siilaanyo waakaa taladiisii weli ku socoto, ee Hargeysa u yimid inaan Reerkiisa
& Wasiiradiisii uu adeerka u ahaa & Xukuumadiisa aan laga daba tegin xoolihii
Umada ee ay dhaceen, ee Kolkii Baarlamaanku ka yara shanqadhiyey ee uu
Taabtey Cali Mareexaan Musuqii uu galay Siilaanyo luxudka la soo kacay ee
Diyaarad degdeg u soo raacay, Baarlamaan ku sheegii Mooshin quutayaalka
ahaana ay raali gelin bixiyeen, Cali Mareexaan & Sillanyo Xaraashe reerkiisii &
xukuumadiisii waanu ku gefnay, waa Tuu tuug ma xado.
Sidaas Darteed, Muhnad & Ninkii Cumaani ee wada boobay Lacagtii Airport-
yada ee Wershedaha ka iibsadey ay Buuraha & dhagaxaanta ku xaalufiyaan, ayaa weli boobkii sii wada kolkii cidi xisaabin weydey, oo Buuraha Saaxil geb-
geedi Muuse Shaani u saxeexay inuu Cumaani oo hore Lacagtii Airportyada u
qaatey inuu Buuraha saaxilna gebigeeda gurto oo uu rarto, ama dhoofiyo oo
Dekeda ka dhoofiyo.
Cumaani oon Wasiir ahayn, oon Xukuumadaha eegaanta xil ka hayn ayaa Buur-
ihii inuu gurto uu wasiirka Hawlaha Guud & Muuse Shaani siiyeen Buuraha iska guro, Reer berbera & reer Saaxil, Dekedii & Haamihii & Wershedihii Laydhka, Sibidhka kolkuu lagala wareegay ee ay hurdaan ayaa Buurihiina Moorgan, & Cumaani & Reer Siilaanyo & muuse Shaani rarayaan, oo Dhulkuna
haduu nuglaado xiitaa Dhul Gariir & Nabaad Guur & Dhibaato ayaa ka timaada.
sidaas Darteed, Siilaanyo & Reerkiisa, & oorganadiisii, & Muhnadadiisi & Cumaanadiisi miyaanay dhergeyn, miyaanay xishoonayn, miyaanay omaliland
ka dhamanayn, ma yuug & Yamaan Yuugba Somaliland lagu soo habaaray.
Subaxnaalaa.
Asha Jama

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker