Ururka IGAD oo shaaca ka rogay Mowqifkiisa ku aaddan doorashooyinka Jubbaland

Mas’uuliyiin ka tirsan Ururka IGAD ayaa soo gunaanaday socdaal ay maalmihii lasoo dhaafay ku joogeen xarunta Jubbaland ee Kismaayo, iyagoo soo saaray warbixin ay kaga hadleen doorashada soo socota ee lagu wado inay ka dhacdo Jubbaland.

Wakiilka IGAD ee Somalia, Maxamed Guyow oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in maalmahan ay kismaayo u joogeen howlo la xiriira doorashada Jubbaland, iyagoo la shaqaynaya hawl-wadeenada caalamiga ah ee doonaya in hawlaha doorashooyinka Jubbaland ay ku dhacaan qaab hufan oo xor ah.

Sidoo kale, Ergaygu wuxuu inta uu joogay kismaayo kulammo kala duwan la qaatay mas’uuliyiin ay ka mid yihiin. Musharaxiinta madaxweynaha ee horay isku diiwaan-geliyay iyo kuwa weli la diiwaan-gelin, odayaasha dhaqanka, ururrada bulshada rayidka ah, xildhibaannada heer federaalka ee laga soo doortay Jubbaland, gudoonka baarlamaanka Jubbaland iyo guddiga madaxa-bannaan ee xuduudaha iyo doorashooyinka.

Ergayga ayaa hadalkiisa ku daray inay caddeynayso IGAD in ahmiyad gaar ah ay leedahay doorashooyinka baarlamaanka iyo tan madaxweynaha ee Jubbaland, taasoo horay u sii wadaysa geeddi-socodka dowladnimada iyo maamul-wanaagga, kuwaasoo xoojin doona amniga, xasilloonida iyo kobaca hormarka bulshada.

Maxamed Guyow wuxuu intaas ku daray inuu adkaynayo baahida loo qabo qabsoomida doorashooyin madax-bannaan oo qaab hufan ku dhaca, ahna mid loo siman yahay, taasoo waafaqsan dastuurka Somalia iyo dastuurka dowlad-goboleedka Jubbaland.

“Si doorashada loo xaqiijiyo waa in shacabka iyo hoggaanka Jubbaland ay ka shaqeeyaan nabada iyo xasiloonida, wixii cabashooyin ah ee soo baxana lagu dhameeyo wadahadal iyo is-afgarad, iyadoo shacabka loo turayo,” ayuu hadalkiisa ku daray ergayga IGAD ee Somalia.

Ugu dambeyn, Wafdiga ayaa maanta ka dhoofay garoonka Ksmaayo, iyagoo beesha caalamka la wadaagi doona sida howlaha doorashooyinka Jubbaland ay u socdaan.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker