Corona virus ayaannu Quraanka ka hellayaa!

Sheekh Soomaaliyeed ayaa yidhi, Quraanka ayaan ka helay Koroona fayras. Aayaddii ka hadlaysay Muusa-saamiri iyo dibigii reer Beni israa´iil ayuu xusay. Markaas ayey ka maadsadeen innamadii Caqliga badnaa!!!

Ayaan dhexdaasana waxa uu ii sheegay nin aannu asxaabnahay in nin kale oo yidhi: Quraankaaba lagu sheegay Corona fayras. Waxa uu isna farta ku fiiqay, cadaabta Saqara ee ku xusan suuradda Muddathir. Kula ahaa eeg, COVID-19, haddana eeg ayaadda oo xusaysa lambarka 19. Eeg oo haddana eeg!!!!

Markan oo kale waan ogggolahay ku durdurinta Ibraahin-Hawd Yuusuf iyo Aw Guudcadde,. Fasax baad tihiin baannu idin leennahay!

Waxa aan jeclaan lahaa in LABA QODOB la iga gaadhsiiyo culimada haysata Minbarrada masaajidada:

1- Marka aad taagantihiin minbarka Masjidka, waxa aad ka turjumaysaan farriintii EEbbe. Wax kasta oo aad ku hadashaan waxa ay dadka qaar u qaadan karaan in ay Allaah iyo rasuulkiisu idinla qabaan. Sidaa darteed:
. Hadalkiinna tashiila
– Hubsada waxa aad sheegaysaan
– Hubsada waxyaalaha aad ka falcelinaysaan
– Iska ilaaliya in aad dareen hadashaan
– iska ilaaliya in aad cadho hadashaan

2- Wakhtiga aad joogtaan fahma. Cidlo lama hadlaysaan. Wixii aad sheegtaan haddii aan su’aal laga keenahayn, waxad ahaan lahaydeen ”Nin dhul gamey ma gefo”. Yacnii ninka dhulka toogtaa miyuu la waayi karaa? Waa maya!
– Haddeer dadku ma aha kuwii duuduubka wax u qaadan jiray.
– Cilmigu sidii hore uma koobna.
– Naqdigu waa darajooyinka ugu sarreeya ee waxbarashada casriga ah.
– Waxa idinku hareeraysan indho loo tababaray in ay fattishaan hadalka, halka laga keenay, cidda tidhi iyo habka loo yidhi
– Waxa idin daawanaya indho qaladkiinna uun arkaya ee aan dan ka lahayn wanaaggiinna

Waan ka xumahay, dhadhaciinna badan!

 

 

Mohamad Hirsi G Abdibashir

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker