Banaanbax Looga Soo Horjeedo Dowladda Kenya Oo Ka Dhacay Safaaradda Kenya Ee Magaalada London

Magaalada London ee dalka Ingiriiska ayaa Maalintii Khamiistii  ka dhacay Banaanbax ballaadhan, kaasi oo ay dhigeen 100 oo kamid ah Jaaliyadda Soomaaliyeed ee halkaasi ku nool.

 

Banaanbaxa ayaa ka dhacay afaafka hore ee Safaaradda Kenya ay ku leedahay London,isla markaana looga soo horjeeday Khilaafka Diplomaasiyadeed ee Somalia iyo Kenya ee ka dhashay muranka dhinaca Xuduud-baddeedka.

 

Mid kamid ah Jaaliyadda Soomaaliyeed ee London oo la hadlay Focus on Afrika ayaa Cambaareeyay boobka ay dowlada Kenya ku heeyso dhulka Soomaaliya iyo tallaabada ay ku dooneyso inay kula wareegto Gobolada Jubbooyinka.

 

Sidoo kale dadka dhigayay banaanbaxaya ayaa watay boorar ay ku xardhan yihiin Doonimeyno Kenya iyo Soomaaliya iib ma’ahan.

Khilaafka Diplomaasiyadeed ee soo kala dhexgalay dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ayaa ka dhashay muranka dhinaca Xuduud-baddeedka, iyo tallaabadii ay ugu yeertay Danjirahoodii u joogay Somalia, kuna soo cayriyeen Danjiraha Somalia u joogay Nairobi.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker