Liiska magacyada dadkii lagu dilay Muqdisho bishii September oo dhameystiran

Waxaa bishii September 2018 uu dilal kala duwan ka dhacay magaalada Muqdisho kuwaa oo lala eegtay Saraakiil, Askar iyo dad shacab ah.

Dilalka ugu badan ee bisha September ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa badi lala eegtay Askar iyo shaqaale ka tirsan dowlada Federaalka.

Dilalka noo diiwaan gashan ee Bishii tagtay ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa gaaraya 27 dil, oo dhacay wakhtiyo kala gadisan.

Dilalka dhacay ayaa noocooda ahaa kuwo madax-jabis ah oo ay geysteen maleeshiyaadka Shabaab ee sida ba’an kaga soo horjeeda dowlada Federaalka.

HOOS KA AKHRISO DILALKA DHACAY BISHII SEPTEMBER 2018

1-Sep 2, 2018, Maleeshiyaad ku hubeysnaa bastoolado ayaa Suuqa Bakaaraha ku toogtay Askari la sheegay inuu kamid ahaa qeybta Minishiibiyada xili uu ku sugnaa Suuqa.

2-Sep 2, 2018, Kooxo ka tirsanaa Al-Shabaab ayaa gudaha Suuqa Bakaaraha gaar ahaan qeybta degmada Hodan ku dileen askari ka tirsanaa ciidamada dowlada xili uu ku howlanaa shaqo  maalmeedkiisa, waxaana halkaa ka baxsaday dilka kadib maleeshiyada.

3- Sep 3, 2018, Ilaalada Garoonka Kubadda Cagta Koonis ee magaalada Muqdisho ayaa toogasho ku dilay mid ka mid ah dhalinyarada Ciyaar ka socotay Garoonka u soo daawasho tegay gaar ahaan Wiil taageero u ahaa Kooxda ku ciyaareysay Magaca degmada Yaaqshiid, waxaana lagu Magacaabi jiray Marxuum Cabdifitaax Muuse.

4- Sep 4, 2018, Waxaa degmada Kaaraan gaar ahaan Xaafada Jamhuuriyo lagu dilay Askari ka tirsan ciidamada Militeriga Somalia.

5-Sep 4, 2018, Rag la socday gaari noociisa lagu sheegay Kaarib ayaa magaalada Muqdisho, gaar ahaan Degmada Kaaran ku dilay Askari ka tirsan dowlada xili uu kasoo baxay shaqooyinkiisa.

6-Sep 4, 2018, Kooxo ku hubeysnaa qoryaha AK47 ayaa Degmada kaaraan ee Gobolka Banaadir ku toogtay Askari ka tirsanaa ciidamada dowlada, iyadoo dilka kadib ay ka baxsadeen goobta.

7-Sep 4, 2018, Waxaa degmada Kaaran ee Gobolka Banaadir lagu dilay Askari ka tirsan ciidamada Dowlada xili uu kasoo baxay shaqooyinkiisa Qaran, waxa uuna dilkiisa ka dhacay Xaafada Jamhuuriyo.

8- Sep 5, 2018, Maleeshiyaad hubeysnaa ayaa xaafada Baar Ha’idhaafin ee degmada Waaberi ku dileen askari ka tirsanaa ciidanka dowladda gaar ahaan kuwa NISA.

9- Sep 11, 2018, Maleeshiyaad ku hubeysnaa bastoolado ayaa agagaarka suuqa Khudaarta degmada hodan ee gobolka banaadir ku toogtay nin lagu magacaabo Maxamed Xasan Firinbi oo da’adiisa lagu qiyaasay 60 sano jir.

10- Sep 11, 2018, Kooxo ku hubeysnaa bastoolado ayaa Xaafadda KPP ee Degmada Hodon ku dilay xubin ka mid ahaa shaqaalaha Wasaaradda qorsheynta Xukuumadda Soomaaliya oo lagu magacaabayay Cumar Xasan Ganey.

11- Sep 12, 2018, Maleeshiyaad ka tirsanaa Al-Shabaab ayaa Suuqa Bakaaraha qeybta Khudaarta ku dilay qof shacab ahaa oo la sheegay inuu kamid ahaa xamaalatada Suuqa.

12- Sep 16, 2018, Askari ka tirsan ciidamada Militeriga oo magaciisa lagu sheegay Baliil, ayaa Suuqa Bakaaraha, gaar ahaan agagaarka Carwa Liimon ku dilay Askari kale oo ka tirsanaa ciidamada Minishiibiyada oo lagu magacaabi jiray Fanax.

13- Sep 17, 2018, Rag ku hubeysnaa bastoolado ayaa afaafka hore ee shirkadda Amal oo ku taalla suuqa Bakaaraha ku weeraray C/qaadir Al Waasac oo ka mid ah mas’uuliyiinta shirkaddaasi oo halkaa looga qaaday dhaawac culus.

14- Sep 17, 2018, Kooxo ku hubeysnaa mindiyo ayaa Xaafada Suuqa Xoolaha ee Degmada Heliwaa ku dilay nin Oday ahaa oo da’diisa lagu sheegay 45 Jir, kaa oo xiliga la dilaayay kusii jeeday Suuqa Bakaaraha.

15- Sep 18, 2018, Mid ka mid ah ilaalada General Sheegow oo ka tirsan saraakiisha ciidanka Millatariga Somaliya ayaa Muqdisho ku toogtay gabar yar oo lagu magacaabo Deeqo Daahir Cali, waxa uuna si gaara dilka uga dhacay agagaarka isbitaalka Recep Tayyip Erdogen.

16- Sep 19, 2018, Maleeshiyaad ku hubeysnaa bastoolado ayaa suuqa Bakaraaha ku dileen Nin la Sheegay inuu ka shaqeeyo rarista Gaadiidka ka  howlgala isgooska Suuqa Bakaraha ee Muqdisho.

17-Sep 21, 2018, Kooxo ku hubeysnaa bastoolado ayaa Askari ka tirsanaa ciidanka Booliska ku toogtay suuqa beerta gaar ahaan dhanka degmada Xamar Jajab meel aan sidaas uga fogeyn afafaaka hore ee xerada ciidanka Afasiyooni waxaana  lagu magacaabi jiray Mahad Gudhuu.

18-Sep 21, 2018, Koox ku hubeysnaa bastoolado ayaa Jaamacadda Soomaaliya (UNISO) qeybta Baar Ubax ku dhextoogtay Aamina Xuseen Xasan oo gudaha fasalka loogu dhex galay.

19-September 21, 2018, Ciidamo ka tirsan dowlada ayaa Xaafada Seybiyano ee Degmada Hodan Gobalka Banaadir ku dilay Dayax Iimaan Xasan Jiirow oo ka tirsanaa shaqaalaha Waaxda farsamada maamulka Xamar.

20-Sep 23, 2018, Maleeshiyaad ku hubeysnaa bastoolado ayaa isgooska Suuqa Bakaaraha ee Degmada Howlwadaag ku toogtay wiil dhalinyaro ahaa oo la sheegay inuu ka mid ahaa kuwa rara gawaarida BL-ka.

21-Sep 24, 2018, Ciiadamo ka tirsan dowlada ayaa nawaaxiga Saldhiga booliska degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir ku toogtay nin doonaayay inuu u dhaco guri ku dhow Saldhiga kaa oo inta badan laga wada garanaayo degmada.

22- Sep 25, 2018, Maleeshiyaad ku hubeysnaa bastoolado ayaa agagaarka Masjidka Xareed oo u dhow Isgoyska Baar Ubax ee Magalada Muqdisho ku dilay Maxamuud Cabdi Maadhiin oo ka tirsanaa howlwadeenada Shirkada Isgaarsiinta Somtel.

23- Sep 25,2018. Kooxo bastoolado ku hubeysnaa ayaa Xaafada taleex agagaarka Madaxtooyadii hore Cabdi Qaasim ee Degmada Hodan ku toogtay qof shacab ah.

24- Sep 27, 2018, Kooxo ku hubeysnaa bastoolado ayaa degmada Warta-nabada ee Gobolka Banaadir ay ku dileen Qof Shacab ah, dilkan ayaa waxa uu ka dhacay agagaarka masjidka Cabdalo iyo Cawa wareer ee ku yaalla degmada Warta-nabada xili qofkaasi uu fadhiyay goob lagu cabo shah.

25- Sep 27, 2018, Nin ku hubeysnaa qori nooca loo yaqaan AK47 ayaa waxa uu Waaxda Faanoole ee degmada Kaaraan ku dilay wiil dhalinyaro ahaa oo la sheegay inay qaraabo ahaayen, dilka ayaa ka dhashay kadib markii labaduba ay ku murmeen maandooriye ay isticmaalayeen.

26- Sep 30, 2018, Rag ku hubeysnaa bastoolado oo la socday Mooto ayaa gabar Ardayad aheyd ku dileen Agagaarka hotelka Guuleed ee degmada Yaaqshiid gobolkan Banaadir, waxaana lagu magacaabayay marxuumada Caa’isho Cali Saneey.

27- Sep 30, 2018, Kooxo ku hubeysned bastoolado ayaa magaalada Degmada Xamar-weyne ee Gobolka Banaadir ku  dilay wiil dhalinyaro ah oo ku sugnaa suuqa degmada kaa oo la oran jiray Ayuub.

Si kastaba ha ahaatee, dilalka dhacay Bisha September ayaa noqonaaya dilal aad u yar marka loo eego dilalkii horay u dhacay bilihii tagay.

Oodweynenews Muqdisho

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker