Booliska Maraykanka Oo Gacanta Ku Dhigay Nin Soomali Ah Oo Weerar Geystay

Nin Soomaali ah oo da’diisa lagu qiyaasay in uu jiro 40 sanno ayaa qof la sheegay inay tahay dumar mindi ku dhuftay una geystay dhaawac aad u culus.

Ciidanka Booliiska magaaladda Minneapolis ayaa sheegay in ay arrintani ka dhacday meesha ay iska gooyaan Labadda wado ee 16th and Chicago Ave ee magaaladda Minneapolis.

Ninka dembiga geystay ayaa la sheegay in uu isku dayay in uu baxsado, hayeeshee Ciidamada Booliska oo aan ka fogeen halka uu falka ka dhacay ayaa gacanta ku dhigay.

Weli waxaa socda baaritaan la xiriira qoftan haweenka ah ee la dhaawacay iyo sababta keentay in Ninkaasi uu weeraro, waxaana Maalmihii la soo dhaafay Magaalada Minneapolis ka dhacayya falal amni darro.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker