Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo xadhigga ka jaray Mashaariic kala duwan oo laga hirgeliyey magaalada Burco, kuwo cusubna dhagax-dhigay.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa dhagax-dhigay mashaariic kala duwan oo xukuumaddu ka hirgelisay gudaha magaalada Burco, kuwaas oo wax badan ka tari kara baahida kala duwan ee ka taagan Burco.

Madaxweynaha iyo wefti uu hoggaaminayo oo safar shaqo ku jooga gobolka Togdheer, ayaa maanta xadhigga ka jaray dhisme dabaq ah oo lagu kordhiyey dugsiga H/dhexe iyo sare ee Sheekh Ibraahim, kaas oo si rasmi ah u dhammaaday.

Munaasibadda xadhig-ka-jarka oo lagu qabtay gudaha dugsiga Sheekh Ibraahim, ayaa laga jeediyey hadallo lagu bogaadinayo dhismaha cusub ee dugsiga lagu kordhiyey oo wax badan ka tari doona baahidii dhinaca fasallada ee ay qabeen ardayda dugsigaas wax ka barataa.

Maamulaha dugsiga Sheekh Ibraahim, Mudane Cabdiraxmaan Axmed Cawad, wasiirrada wasaaradaha Waxbarashada, Maalgashiga iyo horumarinta Khayraadka Biyaha oo halkaas ka hadlay, ayaa bogaadiyey dhismaha ballaadhan ee dugsiga lagu kordhiyey, waxana ay hoosta ka xarriiqeen inay xukuumaddu kaalin weyn ka qaadatay sidii uu dhismahan u dhammaystirimi lahaa, Ardayduna u heli lahayd goob waxbarasho oo casri ah.

Caaqil Yuusuf Cabdi Cawad oo kamid ah guddiga dhismaha dugsiga gacanta ku haysay, ayaa madaxweynaha iyo xukuumaddaba ugaga mahadnaqay sida ay ugu hagar baxeen inuu dhismahan bilicda lehi dhismo, taariikhda madaxweynahana uu ku biiray.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo munaasibadda xadhig-ka-jarista soo gunaanaday, ayaa maamulka dugsiga iyo xukuumaddaba ku bogaadiyey inuu dhismahaasi maanta dhammaado, ardayduna hesho dhisme cusub oo ay wax ku bartaan, kaas oo ah dabaq aanay inta badan dugsiyada kale nasiib u helin.

Sidoo kale, Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa uu xadhigga ka jaray mishiin cusub oo CT-scan ah oo xukuumaddu ka hirgelisay Cusbitaalka weyn ee Burco, isaga oo kormeeray bukaanka ku sugan waadhadhka kala duwan ee cusbitaalka Burco.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa uu sidoo kale maanta dhagax-dhigay dhisme cusub oo loo dhisi doono gudaha cusbitaalka Burco, kaas oo kamid ahaa mashaariicda kala duwan ee xukuumaddu ugu talo gashay inay wax kaga qabato baahiyaha kala duwan ee ka jira cusbitaalka.

Wa-bilaahi Tawfiiq

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker