Madaxweynaha Waxaanu UguBaaqaynaa Inuu Warshadii Laydhka Hargeysa Dib Ugu Soo Celiyo Gacanta Dawladda

Madaxweynaha, Haddii Ay Dhab Ka Tahay Inuu Hantida Guud Kusoo Celiyo Gacanta Dawladda,Waxa Ay Ku Xaqiiq Sanayaan Oo Keliya ,Maaha Hargeysa Club,Balse Waa Kolkuu Soo Celiyo Warshadii Korontada Hargaysa Oo Ka Mid Ahayd Adeegyadii Aasaasiga U Ahaa Nolosha Bulshada.

Maxay Tahay Sababta Madaxweynuhu Ugu Soo Celin Waayay Dadka Warshaddii Laydhka ,Haddii Uu Danta Ummadda Eegayo,Isla Markaana Noogu Daawanayaa Shirkadaha Dhiig Miiratada Ah Ee Iyagoo Laydhkii Dawladda Haysta,Bil Kastiba 50 Ama 80ka Dollar Ku Soo Dalacaya Qof Danyar Ah,Ama Shaqaale Dawladeed Ah Oo Gebigiisuba Mushahar U Qaata 50 Doolar”…Sidaasi Waxa Tidhi Hooyo Gaasira Cabdi Oo Ka Mid Ah Bulshada Ku Nool Xaafada Octoobar Ee Magaalada Hargaysa.

Tiro Badan Oo Ka Mid Ah Bulshada Caasimada Ayaa Iyaguna Mid La Mid Ah Fikradaasi Qaba,Oo Si Weyn Qaylo Dhaan Uga Muujinaya Qiimaha Laydhka Shirkadda Som Power Oo Ay Kuu Sheegayaan Inay Dhibaato Weyn Ku Qabaan.

Waxa Si Weyn Loo Xusuusta Ballanqaadkii Madaxweynaha Talada Haya Muuse Biixi Iyo Madaxweyne Xigeenka Zaylici Oo Labaduba Goob Joog Ka Ahaa Xafladdii Wareejinta Warshada Korontada,Oo Midna Gudoomiyaha Kulmiye Ahaa Zaylicina Madaxweyne Xigeen Ahaa,Hadal Af Gobaadsi Ah Oo Ay Madasha Ka Sheegeen Kuna Muujiyeen,Inay Ganacsatada La Wareegtay Wakaalada Korontada Ka Heli Doonaan Laydh Qiimihiisu Aad Uga Hooseeyo Kii Hore Isla Markaana Ku Heli Doonaan Halkii Unit $0.3 Taasina Ay Weliba Xukuumad Ahaan Ku Daba Joogi Doonaan Shirkadda,Muddo Ka Dibna Uu Kaba Sii Hoos Mari Doono 0.3-Gaas.

Teeda Kale Xaggee Bay Ku Danbaysay Share Kii Dawladdu Ku Lahayd Warshada Laydhka Ee Ahaa 30%..Ee Laga Shaaciyay Maalintii Xafladda Wareejinta Wakaalada Korontada.

Halka Uu Ku Danbeeyay Boqolkiiba 30kaasi Dawladdu Lahayd Waayop Way Ogtahay Cid Kasta Oo Dalka Xog Ogaal U Ah Una Damqaneesa,

Waxaanan Arrintaasi Kusoo Bandhigi Doonaa Mawduuc Gaar Ah Oo Aanu Ummadda Ugu Iftiiminayano.

Si Kastaba Ha Ahaatee Waxa Maalinba Maalinta Ka Danbaysa Isa Soo Taraysa Cabshada Bushada Caasimaddu Ka Muujinyaan Qiimaha Xad Dhaafka Ah Iyo Tudhaale La’aanta Shirkaddaha Laydhka Siiba Som Power,Oo Ay Ku Tilmaameen Dulmi Aanay Shacbigu Haysan Dawlad Ka Qabata.

 

 

Cabdi Cali Sugaal(Xarago)..Hargeysa

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker