Waxbarashada iyo faa’idadeeda Qore: Mohamed basher Hassan (ayman)

Waxbarashadu: Waa furaha Nolosha, Aqoon la’aan waa iftiin la’aan waa aqal iyo ileys la’aan.
Dhamman dadka ku nool dunida oo dhan waxay kukala horeeyaan waa waxbarashada taas oo usuurtagalisay horumar baaxad leh.
sidoo kale waxaan ognahay in dunida maanta ay u qaybsan tahay  labo qayb  oo waxkasta ku kala duwan.
Waana dunida horumartay iyo dunida dambaysa. xaqiiqda dhabta ah ee dunida u kala qaybisay sidaas ayaa ah waxbarashada ay ku kalahoroyaan wadanba wadanku ka aqoonbadanayahay ka awood iyo humar badan wadama aadka looga qadariyo waxbarashada waxay gaadheen hormar la taaban karo halka wadama aan laga danayn waxbarashada ay yihiin kuwa aad u danbeeya.
Aqoontu waa sheyga kaliya ee dadku ay ku hormari karaan waxaana laga maarmaan ay utahay nolosha beni aadamka  marna masinna qof aqoonle iyo qof aan aqoon laheyn.(siduu allah aanu usimin)
Waxbarashadu waa aasaaska nolasha waxaana lagama maarmaan ah inuu qofku waxbarto si uu unoolaada.
Qofku wuxuu nolol sharaf leh oo farxad ay ku dheehantahay heli karaa marka uu barto xirfad uu ku shaqaysan karo. sidoo kale dal wuxuu hormari karaa markuu helo dad aqoon leh oo waxbarasho soo qaatay, dadkuna waxba ma qaban karaan hadii aysan jirin aqoontii ay wax ku hormarin lahaayeen , waana taas sababta kaliya ee uu dalkeenu uhorumari waayey marka la helo hogaamiyayaal aqoon leh haday diinta ahaato ama maadigaba waxaan hali karnaa horumar dhinackasta ah.
Faa’iidada ay waxbarashadu u leedahay qofka bani aadamka ah ma ahan  mid lagu soo koobi karo warbixin  iyo wax la mid ah.
Sidoo kale waxaan si fudud u sharixi karnaa si ay dadku ay ufahmaan qiimaha ay leedahay aqoonta  waxa ugu wayn ee ay waxbarashadu keeni karto in ay tahay  hormar dhinac maskaxda ah oo ah  runtii waxa ugu qaalisan ee uu qofku heli karo(taas oo micnaheedu tahay inlaga badbaado dulaanka maskaxda kaas oo loo adeegsado in qof ama ummad lugu bedelo .
Aqoondaridu waxay qofka ku ridaa xumaan ama wax aanu garayn inuu gudo galo.
Hadii aad u kuur gashid dhamaan dalalka gaaray hormar la taaban koro, waxaa kuu soo baxaya in ay waqti iyo hanti badan galiyeen sidii ay wax ku baran lahaayeen,
Akhriistiyaasha  sharafta leh waxay is waydiin karaan waxbarasho noocee ah ayaa lagu hormari karaa? hadii aan si fudud uga jawaabno su’aashaas waxaa malaha lagu soo koobi karaa in nooc kasta oo waxbarasho ah ay kaalin wayn ka ciyaari karto hormar dhankasta oo  aynu u baahanahay.
Hadaba waa  in aynu kudadaalnaa  ubadka, dhalinyarada iyo qofkasta oo rabo inuu waxbarto waa inlasiyaa  fursad  ay ku baran karaan cilmiga ay markaas  jecelyihiin in ay bartaan ama maadooyinka ay ku fiicanyihiin.
Waxaan kaloo dhihi karnaa hormarka ugu muhiimsan ee uu qofku ka dhaxli karo waxbarashada ayaa ah xoriyad xaga maskaxda ah . qof kasta oo aqoon leh  waxuu sameen karaa fakar uu u madax banaan yahay halka qofka aqoontiisa ay liidato  uu ku tiirsanyahay.
Marwalba  fakarka ama aragtida dadka kale. Sidoo kale qofka aqoonta leh wuxuu si sahlan ku curin karaa aragti ama fikrad hormarin karta nolosha dadka guud ahaan ama noloshiisa gaar ahaaneed.
Aqoonta dhabta ah waxay dadka siisa kalsooni buuxda, kasloonidana waxay qofka u fududaysaa in uu si hagaagsan u guto waajibaadka ka saaran nolosha.
Sidoo kale aqoon la’aantu waxay ku beertaa nafsada qofka in uu  ka baqo wax kasta oo ku cusub noloshiisa, taaso mararka qaar laga yaabo in uu kala horyimaado waxkasta oo hormar keeni kara diidmo iyo baqdin is barkan . fariinta ugu wayn ee ay aqoontu xanbaarsan tahay ayaa ah isbadel dhinac kasta ah oo taabanaya qaabka loo noolyahay markaas.
Markasta oo ay aqoontu korodho waxaa badanaya isbadalka xaga nolosha ah. Markasta oo uu isbadel jiro waxaa fududaanaya in la hormaro.
Aqoonta ama waxbarashada  ayaa ah hanitida kaliya ee ay da’yertu  dhaxli karaan si ay u sii hormariyaan nolosha markaas lagu sugan yahay.
dalkuna ma horumaro ilaa ay dadkiisu ay horumaraan.
Aqoontu waxay dhistaa guri aan tiir laheyn jaahilnimadu ama aqoondaridu waxay bur burisaa guri sharaf iyo barwaaqo aykunool yihiin dadkiisu.
Ugu danbeentii waxaan idinleeyahay aqoontu waa iftiin iyo nuur
Ilaahay subxaanahu muu simin dadka cilmiga leh iyo kuwa jaahilka ah
Aynu ku dedaalno aqoonta iyo barashadeeda.noloshuna sidaaas ayey ku wacan tahay.
Allaah khaatumada khayr haynugu dhamaystiro cilmiga allah haynoo barakeeyo
WAA BILLAHI TOWFIIQ

Halhaystaydu waa:
Ka tallaabso seeraha, dhanka libinta soo aad
Qore: Mohamed basher Hassan (AYMAN)
Tell: 063-6483645/065-9345261
Email:mobashiir23@gmail.com

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker