Warbixin Iftiimisay Galaangalka Siyaasadeed Iyo Dhaqaale Ee Dawladda UAE Ku Sameysay Geeska Afrika Iyo Kaalinta Somaliland.

Abu Dhabi-(OWN)- Wargeyska The National ee ka soo baxa UAE ayaa maanta falanqeeyey kaalinta  Imaaraadku ku leeyahay  nabadeynta iyo maalgashiga  Geeska Afrika.

Warbixintaas  oo uu qoray Suxufi la yidhaahdo Charlie Mitchel, waxa soo xigatay Wakaallada Wararka Somaliland ee SOLNA, waxaana  lagu sharraxay  dedaaladii diblomaasiyadeed iyo ganacsi  ee  sannadkan 2018ka ay sameysay dawladda Imaaraadka carabta oo xoojisay doorkeeda ku wajahan mandaqada Geeska Afrika.

Waxa  warbixintu  xaqiijisay in dawladda Abu Dhabi ay ugu yaboohday 2.99 Bilyan oo doolar dawladda Ra’iisul-wasaare Abiy Axmed. Waxa kaloo Xukuumadaha Imaaraadka iyo Sucuudigu ay ka shaqeeyeen heshiiskii ay wada galeen Itoobiya iyo Eriteriya oo lagu soo afjaray colaad 20 sannadood u dhexaysay labadaas dal.

Wargeyska The National wuxuu  intaas ku daray   in Shirkadda DP World ee laga leeyahay Imaaraadku ay ka hawlgasho dekedda halbowlaha ah ee Berbera oo Itoobiyana ay ku leedahay saami dhan Boqolkiiba Sagaal iyo Toban (19%), isla markaana ay Somaliland naawilayso inay noqoto marinka ugu muhiimsan ee dalalka Bariga iyo badhtamaha Afrika.

Sidoo kale,  waxa warbixinta joornaalka The National lagu caddeeyey  in Shirkadda DP World ay  100 Milyan oo doolar  ku maalgelinayso  jidka isku xidha Berbera iyo Wajaale oo soohdin u ah Somaliland iyo Itoobiya, waxaanu ku dooday warsiduhu  in dhismaha jidkaasi  uu  caddeyn u  yahay galaan-galka dawladda Imaaraadku ku leedahay ganacsiga gobolka Geeska Afrika.

Wargeyska The National wuxuu  xusay in Xukuumadda  Imaaraadku ay si dhakhso ah u furi doonto saldhiga Millatari ee ay ku yeelaynso magaalo xeebeedda Berbera ee gobolka Saaxil.

Xigasho:- Solna

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker